Xasuusta Macallin Faarax Shuun


 

Sannadkii 1997-kii, markii aan diyaargarowga ugu jirnay bilawga waxbarashada sare ayaan xogwaraysi tagay, si aan u ogaado macallimiinta wax noo dhigi doonta. Ka hor inta aanay duruustu si rasmi ah noogu bilaabmin, hal macallin ayuu magaciisu aad iigu soo noqnoqday. Waa bare sare Faarax Cabdillaahi Fariid oo loo garan ogaa “Faarax Shuun”, Rabbi naxariiso janno ha ugu deeqee.  Anigu markaa, arag ha danbeeyee, maqalkiisa ayaa xataa kow ii ahaa. Cabdillaahi Xaaji Indhanuur (hadda madaxda Telesom ka tirsan) oo iga xog-ogaalsanaa, qiyaastiina Muqdisho macallinka ku yaqaanay, ayaan u waraysi tegay. Kuye waa macallin weyn oo jaamacaddo badan wax ka soo dhigay.

 “Ayaan baad leedihiin haddii macallinkaasi wax idiin dhigo,” ayuu niyada iigu sii qaboojiyey.

 “كل أمر لا يبدأ باسم الله الرحمن الرحيم فهو أبتر

Xadiiska kor ku qoran ayuu macallin Faarax far aad u qurux badan sabuurada ugu qoray, maalintii u horaysay ee uu fasal noo soo galo, goor aan malaynayo inay ahayd maalin ka mid ah bishii Octoober ee sannadkii 1997-kii. Sidaas ayuu macallinkii inta badan aan magaciisa maqlayay fasalkii u horreeyey magaca Alle ugu bilaabay. Fasalka sidaas ku bilaabmay, la yaab ma leh inuu noqday mid jid fiican jideeyey oo barako badan.  Xadiiskaasna maalintaas ayaan bartay.

Sida uu noo sheegay macallin Faarax, dugsiga hoose waxa laga qoray degmadda Saylac. Kooxdii labaad ee dugsiga halkaas ka bilawda ayuu ahaa. Ardaydii u horreysay ee dugsiga Saylac lagu furo, sida uu macallin Faarax noo sheegay, waxa ka mid ahaa, Xuseen Ceelaabe Faahiye (AHN) oo muddo dheer wasiir ka soo ahaa dawladihii kala danbeeyey ee Soomaaliya. Sannadkii 2019 ayuu qarax ugu dhintay Muqdisho. Dugsiga dhexe iyo sare, macallin Faarax hoygii Cammuud ayuu ku qaatay ka hor inta aanu waxbarasho jaamacadeed oo heerar kala duwan ah ugu bixin dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka.

Waxbarasho sare

Maraykan markii uu waxbarashada u joogay bilawgii lixdamaadka sheekooyin badan oo qosol leh ayaa ka soo maray. Waxay ku beegnayd goor ardayda madow oo dhan la la yaabi jiray, mararna gobolada ay waxbarashada u joogeen wiirsi ay kala kulmi jireen. Wuxuu nooga warbixiyey qiso ka soo martay cuntadan loo yaqaan "hot dogs-ka", (hilib la farsameeyey oo saandwayj iyo soos laga sameeyo) Laakiin isaga iyo nin ay saaxiib ahaayeen Soomaali ahaan uun bay u micnaysteen oo qiyaastii way qaladfahmeen. Waxay u qaateen in hotdogs-ka laga sameeyey hilibka eyda, ka dibna shigni iyo basbaas lagu xawaasheeyey! Wuxuu yidhi meesha aan ku aragno ‘hotdogs’, mayl baan ka fogaan jirnay! 

Lama yaabin in macallin Faarax ‘hotdogs’ qaladfahmo bilawgii lixdamaadka, aniguba qarnigan kow iyo labaatanaad, haddii aanu oday “Google” i saacidin, hubaal uma sheegeen!

Maalintii toogashada lagu dilay madaxweyne John. F Keneddy, inuu si wacan u xusuusto ayuu noo sheegay. Waa Noofamber 22, 1963-kii, maalmahaas oo uu Maraykan waxbarashada u joogay.

NTEC iyo Lafoole

Ka hor intii aan la furin kulliyaddii macallimiinta ee Lafoole, National Teacher Education Centre oo NTEC loo soo gaabin jiray ayaa macallimiinta lagu tababari jiray. Faarax macallimiintii NTEC wax ka dhigi jirtay ee dalka barayaasha u soo saari jirtay ayuu ka mid ahaa. Markii danbe ee kulliyaddii macallimiinta ee Lafoole la furaynna, sannadkii 1968-kii, halkaasi ayuu shaqadiisii barrenimo ka sii watay, ka hor inta aanu dalka ka dhoofin.

Fartii shaqo galisay

Waxaan xusuusnahay mar uu nooga warramay shaqo uu ka helay shirkad fadhigeedu ahaa dalkaasi Liibiya. Codsi baan u qortay buu yidhi macallinimo ah. Sarkaal Falastiini ah ayaa shirkadda ka madax ahaa. Aqoondarro ama cunsurinimo mid ay ka ahaydba, sarkaalkii ha yidhaahdo codsigan cid baa kuu soo qortay, adigu af Carabigan ma qori kartid. “Aniga ayaa qoray” ayaan si kalsooni leh ugu tiraabceliyey buu yidhi. Inta uu qalin iyo warqad ii dhiibay ayuu yidhi halkan hortayda fadhiiso oo hadda qor. Dhawrkii sadar ee u horreeyey markaan qoray ayuu yidhi, bes intaasi inagu filan. Sidii ayaanan shaqadii ku helay. Waxaan shaqadaasi ku helay baan dadka, kaftan ahaan ugu odhan jiray buu yidhi, kaliya khadkayga (fartayda) Carabiga ah.

Luqad fudud oo la wada fahmi karo 

Mudaddii uu macallinka noo ahaa Faarax, wuxuu isku dayey inuu aasaaska luqadda na baro. Wuxuu aad u necbaa oo dagaal weyn la galay, dadka kelmadaha waaweyn iska raadraadiya. Luqad fudud oo la wada fahmi karo ayuu dhiirigalin jiray. In si dhab ah qofku wax u barto oo aan tirada sannadaha uun la tirsan ayuu nagu boorrin jiray. Buugtan waaweyn ee aad xambaarsan tihiin la falgalla oo dhuuxa ayuu odhan jiray.

Buugta uu wax nooga dhigi jiray, rag door ah ayaa saluugay oo ka xanaaqay. Iyaga oo ka cadhaysan buugtaas, waxay ku doodeen in buugtani yihiin kuwii atlasta lagu dhigan jiray, jaamacadna aanay u qalmin. Isaguse nuxurkiisu wuxuu ahaa in ardayga hadalka iyo qoraalka uu ka saacido, oo waliba luqad qurux badan, sahal ah oo la wada fahmi karo ardayda baro.

“Anigu xitaa boqoradda Ingiriis waan la kulmay, luqad fudud bay igula hadashay” ayuu mar noo sheegay. “Waxan waaweyn ee dirqiga idinkaga soo baxaya, dadku ma yaqaanaan ee iska dhaafa” ayuu mar walba odhan jiray. Ardayga kalmado waaweyn oo aan daruurri ahayn iska raadiya, qora ama adeegsada marka uu hadlayo, wuu qabsan jiray oo ku boodi jiray. Sidoo kale wuxuu si adag noogu leyli jiray xeerka astaamaynta qoraalka. Hakad, joogsi, in xaraf weyn lagu bilaabo eray kasta oo sadar ku bilaabmo, kicinta codadka ama hoos u dhigooda, dhawaqa saxda ah ee erayada iwm. Xeerarkaasi lama dhaafaan bay agtiisa ka ahaayeen. Qofka ilaalin waaya, waa loo kala baxayey. Maanta oo dhan ayuu hadduu doono ka sheekayn karayey gefka aan loo dulqaadan karin ee qofkaasi galay! Ka si fiican u ilaaliya miyaa, cirka ayuu gayn jiray, cid walbana wuu uga sheekayn jiray. Labada midna uma waayi jirin eray maad ah, lagu qoslo; xaqiiqadana ku salaysan. Hadaladii mahadhada reebay ee uu nagu sifayn jiray- canaan, carin iyo cisayn- ilaa maanta oo dhawr iyo labaatan gu’ ka soo wareegtay, marka ardaydii berrigaasi is hesho, wali waa mawduuc xiise leh oo waqti lagu qaato.

Maalmihii iskugu kaaya horraysay ayaan eray Ingiriisi ah, si qalad ah ugu dhawaaqay. Wuu iga saxay oo dhawr jeer ku celceliyey. Show inaan ka daba idhaahdo ayuu doonayay. Cabdikariim Cabdiraxmaan Aw Gamboole (hadda Kanada ayuu degan yahaye) oo i ag fadhiyey ayuu si lagu wada qoslay u waydiiyey: “Ninkani miyuu dhego laaya’ay!”. Aad baa la iigu wada qoslay!

Quraanka barta

Wuxuu odhan jiray haddii aad rabtaan in qoraalkiina aan laga xiiso dhicin oo dadku jeclaadaan Quraanka barta. Wuxuu ku celcelin jiray sida Quraanku u qoran yahay, waa la yaab iyo farsamo aan cidi keeni karin. Maalin dhan baan xusuustaa oo habqoraalka hagaagsan aan ku qaadanay suuradda “Al-Infidaar”. Waxa uu ku dabbaqayey qawaacidda habqoraalka toolmoon. Sida fikrad loo dhiso, loo soo bandhigo, haddana si asluubaysan oo xoog badan loo raaciyo weedho xoojinaya doodda ayuu ku nuuxnuuxsan jiray. Humaagyo aan maankayga ka bixin, walina i anfaca ayaan casharadaas ka dheefay.

Eray margi noqday

Macallin shaqo badan oo aan fasalka uun iska iman ee soo diyaargarooba ayuu ahaa. Ardaydanna sidoo kale waa ka shaqaysiin jiray. Cannaani kuma yarayn, oo dad badani cabsi ay ka qabeen ayay uga baaqdeen fasaladiisa, halka kuwa kalena, markii uu ka shaqaysiiyey, si wacan wax uga barteen.

Inkasta oo uu markaa 40 sanno iyo ka badan mihnadda macallinimada heerar kala duwan, meelo kala duwan, kaga soo shaqeeyey, haddanna bare aan is dhigan oo diyaarinta darsiga u hagarbaxa ayuu ahaa. Maalmuhu ma yarayne, subax uu cashar noo dhigayey ayaa weedh margi noqotay ka soo horbaxday.  Kalmaddan “Chlorafluaracarbons” ayaa ku soo baxday. Sida dadka qaar, ma qardajeexin, mana qarsan eraygan aanu hore u arag.

“Kalmadanni way iga danbaysay, waan se soo baadhayaa’ ayuu si daacad ah u yidhi. 

Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee, marxuum Cabdiqaadir Cige Mataan oo fasalkayaga ahaa ayaa gacanta taagay. “Macallin waa ereybixin ay u istimcaalaan gaasaska walxaha qaar sii daayaan, isla markaana ka qayb qaata  fiditaanka dilaaca dahaadhka Ozone ka" ayuu yidhi isaga oo sharraxaya macnaha iyo nuxurka eraygan fahamkiisu adkaaday. (Cabdiqaadir, AHN nin wax akhriya, idaacadaha iyo barnaamijyadoodana aad ula socda ayuu ahaa).

"Oo yaa kuu sheegay” ayuu waydiiyey Cabdiqaadir (isagu Jibriil ayuu ugu yeedhi jiraye), isaga oo la amakaagsan jawaabta waafiga ah ee ardayga ka soo baxday. 

"Isagu waa abwaan oo wuu garanayaa" ayuu haddana macallin Faarax iskugu jawaabay. Erayga "Abwaan" waxa uu siin jiray ama uu ugu yeedhi jiray ardayda uu fahamkooda la dhacsan yahay. 

Kulliyadda luqadaha

Goor aan filayo inay ahayd 2012 ayaa gabadh ardayad Cammuud ka ahi ila soo xidhiidhay. Mugga dhawr qoraal oo aan feegaray oo Af-Ingiriisi ah ayay akhriday. Laye “Waxaan maqlay inaad Cammuud ka baxday, luqadaaduna aad bay u fiican tahaye, siday u dhacday?” Annaga taayadu hadda heerkaas ma gaadhsiisna, ayay ku sii kabtay!

Qoddobo aan is lahaa waa kuwo sal u ah kala duwanaanta ay sheegtay ayaan la wadaagay. Ha yeeshee qodobka ugu muhiisman waxaan u qabaa inuu ahaa fursaddii aan u helnay in macallin Faarax wax na baro. Dufcadihii u horreeyey ayaa doobir gaar ah u helay waxbarista macallin Faarax.

Markii sannadkii 1aad noo dhammaaday ee la kala dooranayay kulliyadaha la galayo, koox arday ah ayuu macallin Faarax si gaar ah u xushay. Sida laga warqabo labo kulliyadood oo kaliya ayaa markaasi la furi rabay: 1. Kulliyadda Tababarka Macallimiinta iyo 2. Kulliyadda Maamulka Ganacsiga. Culays xoogleh ayaa na lagu saarayey inaan galno kulliyada macallimiinta, laakiin waxaan maamulkii ka codsannay bal in cid kulliyadda maamulka warbixin naga siisa na loogu yeedho, maadaama macallimiintii markaa wax noo dhigaysay takhasuskoodu macallinimo u badnaa. Xasan Cumar Hallas oo aan markaa wali macallin/hormuud noo noqon ayaa na loogu yeedhay. Isaga ayaa fikrad naga siiyey oo nala wadaagay koorsooyinka lagu qaato kulliyada maamulka ganacsiga. Markii uu sabuurada ku qoray liiska koorsooyinka la qaato ayaa arday dhinaca danbe gacanta ka taagay.

“Macallin, koorsadaa waad laba jeer qortay” ayuu yidhi, isaga oo is leh macallinku malaha waa ilduufaye baraaruji.

Sida muuqata, ardaygaasi wuxuu isku qaldayey labada koorso ee ‘Macroeconomics iyo Microeconomics’.

Inta uu macallin Xasan qoslay, waxoogaa neeftuuray ayuu si kaftan ah u yidhi, “Waar shaqo iskuma leh; waa laba koorso oo aad u kala fog. Waad baran doontaan.”

Faarax ardaydaas uu la soo baxay waxa uu u rabay inay galaan kulliyadda luqadaha, si gaar ahna luqadda iyo suugaanta Ingiriisiga u bartaan. Ha yeeshee markii danbe kulliyadda maamulka ganacsiga ayay ku danbeeyeen intoodii badnayd.

Macallinimada ka sokow, arday ay aad iskugu xidhnaayeen macallin Faarax Allah ha u naxariistee ayaan ku jiray. Maalintii iskugu kaaya danbaysay, aniga oo Hargeysa ka tegay ayaan is aragnay. Si kalgacal, qiimeyn iyo qadarin leh ayaan isku qaabilnay. Shaqadii markii uu iga waraystay, ayuu ii raaciyey: “Madaamadii ka waran adeer”. Kelmadda ‘madaamad’ ayaan hore u soo saari waayey. Awal waan ogaa inuu xaaskayga aqoon u lahaa, balse mar danbe ayaan fahmay inuu xaajiyo Ifraax iga warsannayo.

“Waan idiin duceeyey ee salaan iga gaadhsii adeer” ayuu sii raaciyey.

Allah ha u naxariistee, macallin Faarax waxa uu xaqii haleellay 10/06/2009, isaga oo 72 jir ah. Si fiican oo milgo leh ayaa loogu sii galbiyey hoygiisii rasmiga ahaa. Tacabkii uu waxbarashada ku soo bixiyey awgii, waxa uu u qalmaa in meel muuqata loogu magacdarro, sida mid ka mid ah hoolasha waaweyn ee Jaamacadda Cammuud.

Rabbi ha u naxariisto oo ha u nuuro xabaasha bare sare Faarax Cabdillaahi Fariid oo ku magac dheeraa “Faarax Shuun”

Mahadnaq:

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa asxaabta hoos ku qoran oo qayb ahaan, xogta qormadan aan ka xaqiijiyey:

1.     Cabdixakiim Axmed Faarax

2.     Cabdikariim Sh. Cabdiraxmaan Cismaan (Aw-Gamboole)

3.     Ifraax Maxamed Cabdi (Galbeedi)

4.     Barkhad Maxamed Diiriye (Dhiisidoon)

XsXuquuqda sawirka; Ifraax Galbeedi

X

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com 

 

S. A. Guuleed: Geeddiga Guusha

 


 


S. A Guuleed: Geeddiga Guusha

Qormadan koobani dhawr ujeeddo ayay daaran tahay. In la aqoonsado dadaalkii iyo nafhurkii uu Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed ku soo bixiyey hanaqaadka aqoonta bulshadiisa. Qofka aan dadka u mahadniqin, Allena uma mahadnaqee, in la yidhaahdo macallin mahadsanid. Intan koobani waa xurmayn iyo maamuus uu ku mutaystay adeegga dadweyne ee uu sida sharafta leh u soo gutay. Dhinac kale, waa maan godol carinaya garashada ardaydii uu macallinku wax soo baray, kuwo hore iyo kuwo danbeba, si ay iyagunna markooda, ugu yaraan qawl iyo qoraal, hadba kii suurtagal ah, ugu sharfaan.   

Prof. Sulaymaan muddo 50+ sanno ah ayuu dalkiisa u soo shaqeeyey, walina waa ma-daale heegan ah oo u adeegayaa dadkiisa. 53 sanno oo uu macallinnimo ummadiisa ugu soo adeegayey ilaa maanta, tacliinta Soomaalida wuxuu uga dhigan yahay, tiir aan liicin iyo ilays jahliga lagu iftiinsho.  Muddadaas nus qarniga waxyar kor uga badan, dadkiisa aqoon ayuu ku habayay, wuxuuna ku astaysan yahay hormuud hirgalliyey hayaanka tacliinta sare. Cawadiisa’e jiilashii uu soo aflixiyey waayahaas shanta-tobanle ka badan ayaa maanta daafaha dunida ku kala baahsan, iyaga oo jaad kasta oo aqoon ah ay wax uga bilaaban yihiin. Qaarkood waa hoggaamiyayaal bulsho, madaxweynayaal, barreyaal jaamacadeed, macallimiin, dhakhaatiir, maamulayaal, ganacsato iyo xirfadlayaal wax ka bartay laan kasta oo cilmi ah. 

Waxbaris iyo aqoon baahin kaliya maaha ee yididiilo ayuu u abuuray jiilal badan oo ku soo hagaagay xilli talo adkaatay, rajo xumo baahsanna faaftay. Dadaalkii Sulaymaan iyo ragga la midka ahi horseedeen, wuxuu dhalay, goor arrinxumo arlada aafaysay, in tamarta bulshada dib loogu jiheeyo dhinaca samaha iyo tognaanta. Sidaas ayay waxbarashadu, tayo kastaba ha lahaatee, ku soo labakaclaysay oo uu ku dhashay baraarug bulsho oo samadoon ah, wax dhisid iyo horumar leh. 

23 kii sanno ee u danbeeyey, Prof. Sulaymaan waxa uu hormuud u ahaa Jaamacadda Cammuud, surgunno oodan iyo dhadhaabo culusna waa ka soo jidbixiyey. Aragtida Prof. Sulaymaan iyo kooxdii hormuudka u ahayd unkida jaamacaddu, waxay Cammuud ka dhigtay xarun waxbarasho oo magac weyn leh, lagu soo hirto oo aqoonta tarmisa. Waxay suurtagalisay in dugsigii sare ee hoyga Cammuud ay u beddesho jaamacad weyn oo gayiga Soomaali meel walba looga soo waxbarasho doonto. Ammintan aan joogno Cammuudi waa hay’ad waxbarasho sare oo ay dhigtaan arday aan ka yarayn 5, 000 oo arday, kana kooban 15[i] kulliyadood. Waa shaqo abuure iyo shaqo bixiye weyn oo ay hadda ka hawlgalaan 302[ii] macallin. Bishii waxay mushaar u bixisaa adduun isku-darkiisu yahay rubuc malyuun doolar[iii].

Magaaladda ay ku taal ee Boorama, Cammuudi, waa u il-dhaqaale oo dakhli xoog leh ayaa ka soo gala. Waxa lagu qiyaasaa in 35%[iv] ardayda jaamacaddu ay ka yimaadeen meel ka baxsan Boorama iyo Gobolka Awdal. Joogitaanka ardaydaasi, isdhexgalka bulsho marka laga yimaado, dhaqdhaqaaq dhaqaale oo ganacsigii xaammi ka dhigay ayay magaaladda ku soo kordhiyeen. Dad badan oo dibadda ka soo noqday, hore aan gobolka deegaan ugu ahayn, balse jawiga iyo waxbarashada magaaladdu soo jiidatay, ayay Boorama imika hoy u tahay. Dadkaasi, soo degitaankooda ay Cammuudi sababta u tahay, magaaladda maalgashade, ganacsiyo furte, shaqo abuur iyo tartan ganacsinna abuure.

Maraykanka iyo Muritaaniya

Ka hor Jaamacadda Cammuud, Prof. Sulaymaan waxa uu muddo xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaraddii waxbarashada ee Soomaaliya. Waxa uu soo noqday hormuudkii Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole. Dugsigii sare ee Cammuud ayuu macallin iyo maamuleba ka soo noqday.

Anigu qof ahaan, sagaashamaadkii ayaan bartay. Goor galab ah ayaan dhegta la helay idaacaddii af-Soomaaliga ku hadli jirtay ee Itoobiya, mise ruux aanan markaa garanayn ayaa qudbad yaab leh jeedinaya. La ashqaraaray codkarnimada iyo aftahamada mas'uulka hadlaya. Aniga oo is waydiinaya qofka uu noqon karo mudanahan hore codkiisa aanan u maqlin balse ku guulaystay inuu markiiba si buuxda u hanto dareemayaasha maqalka, ayaa qudbaddii la jaray. Wariye Maxamed Xuseen Giirre (AHN) oo malahayga galabtaa idaacadda daadihinayay ayaa soo galay isaga oo codkiisii dananayay kaga dayaaminaya. Wuxuu ku tiraabay weedh aan maankayga ilaa imika ka tirtirmin. Laye, “Intaa aan kaga gudubno qudbadda Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed oo aan hadalka waxna dhimin, waxna dhaafin" Maalintaas ayaa horta maqalka codkiisa iigu horeysay. 

Waxa ii xigtay, aragti ahaan, maalmihii uu socday shirwaynihii nabadaynta ee Boorama, bilawgii 1993-kii. Wargeyskii Horyaalka Saxaafadda oo beryahaas Boorama ka soo bixi jiray ayaan kala socon jirnay geedisocodka shirka. Qudbad xiiso leh oo Prof. Sulaymaan shirka ka jeediyey ayuu joornaalku noo soo gudbiyey. Qiyaastii adkaynta nabadda iyo hub-ka-dhigista ayuu markan ka hadlayey. Erayadii uu madasha ka jeediyey, balse aan joornaalka ka akhriyey, qaybta xusuusta fog ee maankaygana ku dhegay, waxaa ka mid ahaa:

"Saddexda boqol ee wiil ee hubka sitaa, waa saddex boqol oo dawladood ee taas ogaada. Ka qoriga AK-ga ah sita iyo ka gaadhiga tiknikada ah wataanna, wuxuun bay awood ahaan u kala dhigmaan Maraykanka iyo Muritaaniya”

Isbarbardhig xiise leh ayuu hadalkani iila muuqday. Wuxuu igu dhalliyey inaan dhuuxo oo sii baadho kala duwanaanshaha weyn ee labada dal, dhinac walba. Ayaandarro, waayahaas kansho uma aanu haysan agab cilmibaadhis kaa saacidi kara. Haddii laga tagi waayo, dhegaysiga barnaamijyada idaacadaha ayaa xog laga korodhsan karayey.

Furitaankii Jaamacadda Cammuud

Sanadkii 1997-kii markii u horraysay ee aan u fadhiisannay imtixaankii lagu galayay Jaamacadda Cammuud, Prof. Xasan Cali Cismaan ayaa na marsiiyey jirrabkii u horeeyey, ha yeeshee dib ayaan imtixaan kale u galnay. Markan waxa hawsha waday oo mas'uul guud ahaa Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed. Markiiba kaftan, dhiirrigallin, niyad-dhis iyo baraarujin ayuu ku caanbaxay. Jaamacaddu way cusbayd oo su’aallo badan ayay dadku iska waydiinayeene, wuxuu ku guulaystay inuu noo hillaadiyo mustaqbal kii maalintaasi ka qurux badan. Inta badan, dhallintii markaa aan jaamacadda ku galnay oo dhan ayuu qalbiyadooda kasbaday.

Weedhaha suuqa la isla dhex marayey hubaal la’aan badan ayay ku furayeen arday waxbarasho u oomanayd, ha yeeshee aan hubin jidka ay qaadeen halka uu ku dhammaan doono. Dad badani, si qayaxan ayay noogu sheegi jireen inaanan waqti iskaga lumin waxa ay ugu yeedheen “NGO-ga Saleebaan.” Xoogagaas si-xun-wax-u-arragga ahi candhuuftooda dib bay u liqeen markay arkeen dadaalka maamulka iyo rabitaanka aan la loodin karin ee ardayda intooda badan, daba-ka-walwal ha ba iska jiree.

Midhaha Nabadda

Gugii 1999-kii ayaa waxa jaamacadda nagu soo booqday wefti odayaal ah oo aan filayo inay ka yimaadeen gobolka Togdheer. Allah ha u naxariistee Suldaan Sh.Muuse Jaamac Goodaad ayaa gadhwadeen u ahaa. Waayeel iyo hoggaamiyayaal dhaqan ayay u badnaayeen. Sida mar danbe aan ogaan doonno, socdaalku nabadayntii gobollada Bari ayuu qayb ka ahaa, weftiguna waxay u socdeen inay dhaayaha soo saaraan nabadda Galbeed ka hanaqaaday iyo heerka waxbarasho halka la marayo. Xubnihii weftigu si qiiro leh ayay noola hadleen. 

Intaas ka dib ayay koox aan ka mid ahaa ku dhalatay fikrad ah inaan safar ardaynimo ku tagno Burco iyo Yiroowe. Burco markaas laguma soo wada noqon oo Yiroowe ayaa cammiran. Faarax Cali Ciid (Allah ha u naxariistee) oo Yiroowe ka yimid, kana mid ahaa ardayda aan wax wada baranno, ayaan rabnay inuu noo sii gogolxaadho.   Barnaamij wacyigalin u badan ayaan isku dubaridnay oo Prof. Sulaymaan ayaan ula tagnay. Waxaan u sharraxnay ujeedada safarkayaga, iyo sida aan u rabno in ardayda deegaamadaasi aan ku dhiirigelino inay dugsiyada aadaan si ay midhaha nabadda iyagunna markooda u gurtaan. In socdaalkayagu nabadaynta qayb weyn ka yahay ayaan ku tiiqtiiqsanay. Gaadiid iyo shidaal ayaan waydiisannay, wixii kale ee sahay ah annaga ayaa arday ahaan isa saarnay. 

Sheeko dheer bay ahayde, wuu nagu bogaadiyey hindhisahayaga dareenka wadaninnimo ka dhashay. Ha yeeshee wuxuu noo muujiyey walaaca uu qabo; in dhulku wali miinaysan yahay, isla markaana aanu rabin in jaamiciyiintii u horaysay ee dalka u soo bixi lahayd, ay miino la kacdo! Annaga oo candhuuftayadii dib u liqnay, balse qanacsan ayaan ka soo baxnay xafiiskiisa. 

Kullankii Cigaal

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sannadihii u horeeyey ee jaamacadda si joogto ah noo soo booqan jiray, waxna noo dhigi jiray, ayaa na soo siyaartay mar aan filayo inay ku beegnayd dabayaaqadii 1999-kii. Ka hor imaatinkiisa waxa safar Boorama ku yimid madaxweynihii Somaliland ee waayahaas AHN marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. Sidoo kale, Cigaal jaamacadda ayuu soo booqday. Prof. Cabdi Samatar booqashada Cigaal ee Cammuud iyo kulanka Prof. Sulaymaan aad buu u xiisaynayay inuu wax ka ogaado. Sidii kulankaasi u dhacay ayaan uga warbixinnay, ka dib markii uu naga warsaday.

Maalintaas iyo booqashadaas si weyn baan u xusuusnahay. Miiska u horreeya, safka dhexe ayaan fadhiyaa. Madaxweyne Cigaal iyo weftigiisuna, waa naga soo horjeedaan oo wax aan laba mitir dhammayn ayaa noo dhexeeya.

Prof. Sulaymaan oo soo dhawaynaya madaxweyne Cigaal ayaa hadalka ku furaya;

“Mudane madaxweyne ku soo dhawaw Jaamacadda Cammuud. Labadeenu hore halkan waan iskugu aragnay adiga oo Raysal Wasaarihii Soomaaliya ah iyo aniga oo maamulihii Dugsiga Sare ee Cammuud ah. Intaa ka dib, labadeenuba min hal darajo ayaan kor u dallacnay oo adiguna madaxweyne dal ayaad noqotay anna guddoomiye jaamacadeed ayaan noqday ee hambalyo labadeenaba”. Madaxweyne Cigaal, ereyadaas soo dhawaynta ahi aad bay uga qosliyeen, ilaa uu ku saxday beebkii uu sigaarka ku cabayay (haa shalay uun bay ahayd markii madaxdu sigaarka ku dhex qiijin jirtay shirarka iyo hoolasha dhexdooda).

Prof. Cabdi Samatar wuxuu nooga sheekeeyey kulankaas Prof. Sulaymaan sheegayo ee labada mas’uul ku dhex maray Cammuud dabayaaqaddii lixdamaadka oo uu goobjoog u ahaa. Wuxuu yidhi, isaga oo noo warramaya. “Arday baan ahaa markaas sidiina oo kale ah. Halkaa aad soo fadhidaan oo kale ayaan fadhiyey. Prof. Sulaymaan oo markaas Maraykan ka soo noqday, dhallinyar ah oo aad u firfircoon ayaa wax noo dhigi jiray. Luqada Ingiriisiga sida uu u yaqaano ayay ardayda oo dhammi jeclayd. Inaan mar uun heerkiisaas gaadhno oo sidiisa wax u baranno ayaan ku hammiyi jirnay. Heer baan gaadhnay, sidii aan ugu dayanaynnay, aan xitaa sida uu u socdo, u soconno”

Wuu sii waday oo wuxuu u dhaadhacayaa jawigii ay labada mas’uul ku kulmeen iyo waliba, ta ka sii xiiso badan, weedhihii ay is waydaarsadeen:

 “Maalin annaga oo fasalka ku jirna, oo waliba Sulaymaan noo dhigayo cashar Ingiriisi ah oo ku sahabsan sarbeebta, ayaa wefti socdaa na soo galeen. Mise waa ba raysal wasaarihii Soomaaliya, mudane Maxamed Ibraahim Cigaal oo kormeer u socda. Fasalkii ayaabu noogu soo galay. Waan xasuustaa oo sabuurada waxa markaa ku qornayd oo macallinku noo sharaxayaa weedha Ingiriisiga ah ee: “A wolf in a sheep’s clothing.”

Cigaal luqada Ingiriisiga ah aad buu u yaqaanay, nin weyn oo siyaasi ah na waa ahaa, balse Prof. Sulaymaan ayaa u faahfaahiyey in cashar taxanne ah ay qayb ka ahayd ee aanay isaga wax xidhiidh ah, haba yaraatee, la lahayn” ayuu ku soo afmeerayaa Prof. Cabdi Samatar. 

Dadaalla oo waxbarta

1997-kii markii jaamacadda la noo diyaarinayay ee luqada Ingiriisiga oo kaliya aan ku dhigan jirnay dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar, ayaan maalin ka codsanay macallinkayagii Carab Cabdilaahi Bulaalle (AHN) inuu Prof. Sulaymaan noo soo casuumo, si uu muxaadaro noo siiyo. Carab, macallin waayo arag ah oo awoodda iyo heerka aqoonta ee ardayda fahansan buu ahaayoo, wuxuu si kaftan ah noogu yidhi:

“Waar horta dadaalla oo waxbarta, odayga isba af garan maysaane”.

Waanu ku adkaysanay oo ka hadhi waynay. Maalin danbe ayaa la noogu yeedhay oo uu casharkii noo galay. Muxaadarro cilmi nafsiga ku sahabsan ayay ahayd. Markii casharkii dhammaaday ayaan arday ahaan is warraysanay. Waxa soo baxday in boqolkiiba konton wax ka yar aan ka fahannay muxaadaraddii. In hawl badanni noo taal, jid dheerna na sugayo ayaan garwaaqsanay. Macallin Carab Cabdilaahi (AHN) oo aan maalinta hore hadalkiisa ka xanaaqnay annaga oo u qaadanay inuu hoos noo dhigayo ayaan u garaabnay. Rabbi ha janneeyo macallinkaas gartay awoodda ardaydiisa. 

Dersi iyo Deeq

Annigu, qof ahaan, markii danbe ee aan jaamacadda ka shaqo galay sannadkii 2003, waxaan fursad u helay inaan Prof. Sulaymaan si dhaw ula shaqeeyo. Waxa caado u ahayd (welina u dhaqan ah, sidaan warka ku hayo) inuu subaxa hore kallaho oo Cammuud ku waabariisto. 7:30 subaxnimo marka aan tagno, durba tiro waraaqo ah ayuu diyaariyay oo uu rabaa in kombiyuutarka loogu garaaco. Xoghayn gaar ah markaas muu lahayne, wuu ii keeni jiray waraaqaha. Kalsooni badan ayuu i siin jiray oo waxa uu igu odhan jiray wixii ka qaldan sax. Sixid ha joogtee, qoraalkiisa aad baan u jeclaa oo cashar iyo darsi aan habqoraalka toolmoon ka barto ayuu ii ahaa. 

Waxaan markan xogogaal u ahaa in mushaarkiisa qayb weyn oo ka mid ah uu arday kaga bixin jiray lacagta jaamacadda lagu dhigto. Ardaydaasi waliba waxay u badnaayeen inta ka timaad meelaha Gobolka Awdal ka baxsan. Ku darsoo beryahaas jaamacaddu bilaw bay ahayd oo cid lacag joogto u qaadataa ma jirin. Marka mushaarku ilaa lix billood iyo ka badan is gaadho ee jaaliyadaha dibaddu wax soo diraan, ayaa macallimiintu siday u kala baahi badan yihiin, waxoogaa dhiigjoojin ah loo siin jiray. 

Raggan ka warhay

2016 ayaa nin aan asxaab iyo shaqowadaag nahay uu ii sheegay in Prof. Sulaymaan magaalada Nayroobi nala joogo. Wuxuu soo jeediyey inaan soo raadiyo, casuunno oo aan la cashaynno. Saaxiibkey waa dadka dedaalka iyo nafhurka Prof. Sulaymaan aad ula dhacsan. Ilaa markii uu Lafoole joogay ayuu dusha ka yaqaanay. Telefoonka ayaa ku raadiyey oo waan is helnay. Wuxuu ii sheegay inay ilaa sagaal guddoomiye jaamacadood ku wada socdaan oo ay magaalada tan Nayroobi safar shaqo ku joogaan. Soo jeedintaydii ayaan u qaddimay, isaguna sidii aan uga bartay ee qadarinta mudnayd ayuu u aqbalay. 

Isaga iyo guddoomiyeyaashii jaamacadaha ayaan fadhi tilmaaman, waqti wacan wada qaadannay. Prof. Sulaymaan oo u warramaya guddoomiyeyaashii kale, anigana igu soo halqabsanaya ayaa ka warbixiyey bilawgii hayaanka waxbarasho ee Cammuud. Wuxuu si gaar ah u dul istaagay maalin gabadh fasalkayaga ahayd oo dalka dibadda uga baxaysay ay na sii dardaartay. Iyada oo isaga markaa la hadlaysa, waxay u sheegtay inuu raggayagaa ku faro adaygo, maadaama, waa sida ay hadalka u dhigtaye, maalmo ka hor la arkay wiilasha qaar oo qoryo baayacaya oo hub iibsan raba. Haa qoryaha iyo hubka fudud sida badeecadaha ayaa suuqa si furan loogu iibin jiray!

Sheeko qosol leh; mar u duurxulaysa khatarta ardayda dul hoganaysay ee ah ka mid noqoshada dhinacyadii hubaysnaa, marna hogatusaalaynaysa waayihii iyo tegtadii laga soo gudbay ayay ahayd. 

Ruux wax dhegaysta

Sannadkii u horreeyey oo dhan, dufcadayada kaliya ayaa jaamacadda dhigan jirtay. Hawlaha waxbarasho inta badan talo-wadaag iyo wadatashi ayay ku socdeen. Kooxdii labaad markii ay soo gashay ayaa la damcay in jadwalkii basaska wax laga beddelo, si gaadiidku noogu filnaado.  Laba bas oo kaliya ayay jaamacaddu markan leedahay wax gaadiid ah. Waxa la soo jeediyey in colkayagii hore aan 6:30 subaxnimo baska soo raacno. Marxabba iyo guddoon ba la yidhi oo waa la isla qaatay. Gabadh fasalka ka mid ahayd ayaa gacanta taagtay.

“Macallin nimankani war ma hayaan oo way iska hadlayaane, waxan ay soo jeediyeen suurtagal maaha.” Si kalsooni leh ha u tidhaa.

Prof. Sulaymaan oo la yaaban hadal-caddaanta iyo dhiirranida gabadha ayaa waydiiyey sida aanay suurtagal u ahayn.

Waxay ku warcelisay;

“Annagu haddii aan hablo nahay arroorta hore ayaan kacnaa si aan qureecdooda (iyada oo annaga farta nagu soo fiiqaysa) u diyaarinno, marka aan wada quraacsiinno ee iyagu ay basaska soo aadaan, ayaan annagu haleelnaa oo aan dib diyaar garow u galnaa, markaa macallin 6:30 waa goor hore oo suurtagal nooma aha”. 

“Hadalku intaas gabadhu sheegtay ayuu ku dhan yahay” ayuu Prof. Sulaymaan ku ayiday. 

Qardhaas balaaya xijaab ah

Dabci ahaan, Prof. Sulaymaan waa ruux kaftan-dhable ah, xarruuri ah oo erayga heli og. Madal aan goobjoog ahaa oo rag ay isku arday ahaan jireen ay is xifaalaynayeen ayaa ina tusi karta sida uu erayga u heli ogyahay, dadkana u haasaawiyo. Mid baa Prof. Sulaymaan da’da ku riixay oo yidhi, “Barafasoore, adiga oo nin weyn ah oo qardhaaso badan xidhan ayaad noo timid”. Sida caadiga ah dadku xaaladdan oo kale isdifaac iyo rogaalcelis bay galaan. Sidaa si ka duwan ayuu uga falceliyey. Inta uu yara muusooday, ayuu si kaftan bilaa turxaan ah u yidhi, “Hal xabbo oo ballaayoxijaab ah ayaan sitay!”

Inta Soomaali murmayso

Prof. Sulaymaan oo booqasho ku maraya dalka Maraykanka ayaa laga reebay weedha caanbaxday ee ah “Inta Soomaali sarajoogga ku murmayso, waxaan rabaa innaan soo saaro kummanyaal jaamiciyiin ah”

Allaylehe hadalkaasi wuu rumoobay, Ilaahay iyo dadkiisuna markhaati ayay ka yihiin. Inta arday, wiilal iyo habloba leh ee, isaga iyo haldoorka la halmaalaa, rajo u abuureen, waxbareen, ee ay soo aflixiyeen ayaa ciiddaas leeg. Waxa ka sii badan, inta higsanaysa ama ka aflaxi doonta marrinka iyo majaraha ay jeexeen Sulaymaan iyo kooxda uu hormoodka u yahay. Rabbi samaha ay noo horkaceen, wanaag ha ugu doorsho.

Ifka samo ku noolow, aakhirona jannada ku waar.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Tixraacyo:



[i] Waraysi Diiwaanhayaha Guud ee Jaamacadda Sulaymaan Xasan Cali, 30/12/2020

[ii] Waraysi madaxa waaxda shaqaalaha Siciid Xasan Habane 30/12/2020

[iii] Warbixin Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud https://www.youtube.com/watch?v=uisi8h5zGt0

[iv] Waraysi Diiwaanhayaha Guud ee Jaamacadda Sulaymaan Xasan Cali, 30/12/2020

Sahanka Raage Q2aad


Hordhac 

Muxaadaradii uu dhawaan jeediyey macallin Raage ayaa dadka, intii ay gaadhay oo dhan xiiso gaar ah u samaysay. Si ka fog sidii uu filayey, dad badan ayay dhaqaajisay.  Sida lexejeclada iyo aftahamada leh ee macallinku arrimo masiirri ah u lafaguray ayay dad badani u madax ruxeen. In kale oo door ahi, sidii uurkubaalaha wax uurkooga jiifay, intuu dooxay inuu bannaanka soo dhigay ayay u qaateen.

Iyada oo laga duulayo falcelinta togan ee ka dhalatay kullankaas dadweyne ee hore, ayaa caawana macallin Raage, madal bulsho oo furan lagu martiqaaday. Marti sharafta ugu mudan ee mar kale loo dhego taagayaa waa isla Raage. Ka soo qaybgalayaashu, badi waa dad kullankii hore seegay, balse hadalhaynta hadhi wayday ay soo kicisay. Qaar kale waa saaxiibo cusub iyo la-dhacsanayaal kullankii koowaad ka dib macallinku kasbaday.

Madashu, inkasta oo tii hore ay ka ballaadhan tahay, ka bilan tahay, kana boqran tahay, haddana Raage isagu boholyow gaar ah uma qabo.  Sababtu tahay, duqu, dabci ahaan waa qunyarsocod aan soo muuqashada faraha badan jeclayn. Kama helo in indhaha dadku ku soo wada jeedsadaan. Ma rabo inuu lumiyo xorriyadda aasaasiga ah ee uu hadda ku naaloonayo. Dooni maayo inuu ku dhaco dabinka dibadyaalnimada, waxba aanay kuu dhawrranayn ee caannimada ku lammaan. Bulshada inuu iskaga dhex qarsoonaado, marka ay munaasib ula muuqatana, intii tamartii ah, hadal iyo ficilba uu dadka taro, ayaa qorshe ahaan u dajisan. Inuu aad bulshada uga dhex muuqdo, wuxuu ka doorbidaa inuu dadkiisa iska dhex socdo. Yeelkiise, qormadii ‘Sahanka Raage’ iyo qaar ka danbeeyey ayaad moodaa inay bannaanka u soo saarayaan. “Nin durbaan tuntay, ilaaq dalbay” murtida ku tiraabta, inay xaalkiisa maanta sifaynayso ayuu arrin hadda ula muuqdaa. Sidaa darteed, codsi dad u hanwayni kala joojin waayeen ayaa macallinka caawa madasha keentay.

Xaaladda Geeska

Si kastaba, faaqidaad iyo fallanqayn ka dib, waydiin iyo warcelin ayaa la gudo galay. Bilawgiiba, ruux inuu isagu muxaadaro jeedinayo iyo inuu su’aal waydiinayo la kala garan waayey ayaa codbaahiyaha qaatay. Xidhiidhiyihii ayaa hadalka ka dhexgalay, ka codsaday inuu su’aasha ku soo dhawaado, isku celcelin dabadeedna weydiinta meesha ka soo baxday waxay noqotay sida Macallin Raage u arko dagaalka Itoobiya iyo xaaladda gobolka ku soo korodhay.

Qodobkani inaanu caawa marna madasha ka maqnaanayn, odaygu waa iska sii malaynayey. Ha yeeshee, hadalkaba waa lagu bilaabi isma uu lahayn.

“Markaan maqlay dagaalka gudaha Itoobiya ka dhacay, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa weeraro dhinaca cirka ah ku qaaday qayb ka mid ah isla Itoobiya” ayuu jawaabtii ku bilaabay.

“Waxaan soo xusuustay dhibtii ay diyaaradaha Xabashidu na soo gaadhsiiyeen”, ayuu ku sii daray. Isaga oo hadalka sii wata waxa uu sheegay, in waxa ay nagu sameeyeen nimankaasi aanu ahayn wax la ilaawi karo; dagaal sokeeye oo gobolka ka qarxaana, wax lagu farxo aanu ahayn.

Wuxuu yidhi, waxaan soo xusuustay tuduc ka mid ah maansadii Ergo ee marxuum Gaarriye Allah ha u naxariistee:

Abeesaa laga sheegay,

Markaan aadmiga fiirsho,

Aargudaan is idhaa,

Markaan Eebe jaleecanna,

Awlaadsaan is idhaa;

Wuu sii waday oo waxa uu ku daba ladhay, ‘Imika in la kala adkaaday ayay u muuqataaye, waxaan ka jeclaa, iyaga oo isku mashquula, hore u kala bixi waaya, ka dibna dunidu u gurmato. Ciidan Soomaali ah, koofiyad buluuglayaal ah, nabad ilaallin u socda oo Maqalle iyo Baxardaar fadhiisimo ku leh, jeclaan lahaydaa naftu inay aragto.’

Halkaas marka uu marinayo ayay madashii sacab iyo or isla oogsatay.

Wuu sii wadaa oo waxa uu leeyahay, waxaan si xeeldheer u fahmi lahaa aayaddaha Quraanka ah ee inoo sheegaya sida ayaamuhu isku gedgediyaan, aadamuhuna marar kala duwan, kaalmo kala duwan u qaato. Hooseeye sarree ayaa xaaladda koobsan lahayd.

Intaas markii uu yidhi ayaan iswaydiiyey, hadda miyaanu aayaddaas wadaadku fahamsanayn. Haddana waxaan xasuustay markii Nebi Ibraahim CS, uu yidhi “Rabbi i tus sida ka dhintay aad u soo noolayso”.

Eebe waynena SWT, waa kii su’aallay ee yidhi “Oo miyaanad rumaynin? Nebi Ibraahim CS isna waa kii ku jawaabay, “Waan rumeeyee, wuxuun baan rabaa inaan qalbiga ku dajiyo”. Sidaas oo kale, ayuun buu tusaalaha uu macallinku calmaday qalbiga u sii xasillin lahaa, ayaan iskugu caqliceliyey.

Tahriibka

Ruux haweenay ah, da’ joogta, midhaa wiilal ka tahriibeen, illinta xajin la’ oo rafaad ka muuqdo ayaa waydiisay dhibaatada tahriibka sida looga gudbi karo.

Erayo qalbiqaboojin u ah hooyadaa qalbigeedu wiilasheedii raaceen inta uu waxoogaa ku dheeraaday ayuu u soo degay dhibta arlada taal. Wuxuu iftiimiyey ciilka iyo culayska ay leedahay marka wiil ugu yaraan labaatan sanno lagu soo tabcayey oo loo hanweynaa, goorta uu jaamacad ka soo baxo ay suuqa isku soo baxsadaan. Qorshe qof, mid qoys iyo ku qaran {oo baahida ka jawaabaya}, dhinacna hubaashii iskuma hawlin. Cidna uma maqna, ceelna uma qodna. Jaangoyn midha-dhal ah oo dhallinta lagu jihaynayo waligeedba cidi lama shir iman. Dhallintuna, inay rag doobinaya qabyaalad ku kala raacaan ma ogiye, waar maxaa inoo dan ah abidkood ismay waydiin. Natiijadii waa ta noqotay suudal, sibiq-dhaqaaaq iyo is-biimayn.

Dhallinyarooy, fadhigan fadhi uga noqda. Inta camal la’aani halkaa idin dhigtay, inta arrinxumo ishaa idiin yeeshay ayaan ka yarayn, haddii aanay kaba badnayn, ayuu ku doodayaa. Inaanay dantooda guud si u wada arag ayuu ku sii axadhayaa. In reernimo gaajo leh, ay wadajir dhereg leh ka doorbideen ayuu ku sii xoojinayaa. In shaqo shaadh cad kaliya la wada raadinayo, mid farsamo oo lacag badanna, in shisheeye looga dhaqaaqay ayuu carrabka ku sii adkaynayaa.

Ta xukuumad ahayna, sida aad dhallinta muruqooda iyo codkooda ugu harraad qabto maalinta aad ku guurayso, mustaqbalkoodana, waad kartaaye ugu hagarbax, ayuu maamulkana u soo jeedinayaa.

Qorsheyaal iskutashi, daacad laga yahay, barbaarta u deji, jihee oo ugu yaraan rajo u abuur.

Ugu danbayn, wuxuu leeyahay laba shay haddii la xoojiyo, cid dalka ka cararaysa, xataa iyaga oo xaaladdu ku adag tahay, la heli maayo. Waa iimaanka iyo wadaniyadda.

Fursadaha Shaqo

Waydiin mawduucan aan ka fogayn ayuu su’aalayaa wiil aan is idhi malaha fursado hore ayay qolyo qurbojoog ahi ka boobeen. Wuxuu warsaday sababta fursadaha kooban ee soo baxa, qurbajoogtu ugu cidhiidhyaan. Astaraajigii (qiyaastii istaraateji ayuu ka wadaaye) laga yeelan lahaa ayuu waydiinayaa.

Marka laga yimaad fursado si gooni ah qurbojoogta loogu xidhay, sida kuwo lagu sheego in aqoonta dalka dib loogu soo celinayo, wixii kale, intaan ogahay tartan ayay u furan yihiin. Waxaan qabaa in ruuxu isku kalsoonaado, dadaallo oo Alle talo saarto. Asalkaba, kartida iyo aqoontu kuma xidhna qofku halka uu ka yimid iyo jaamacadda uu ka soo baxay ee waxa asalka ahi waxa weeyi awooda iyo kartida shakhsiga ah. Marka intaas laga yimaad, dadka dibada ka imanaya shaqooyinka haddii ay u tartamaan ceeb maaha, waxase habboon in xilalka iyo shaqooyinkan intaan lagu tixin lagu xidho shardi ah inay wadanka muddo cayiman (ilaa 3 sanno) joogeen, si ay xog ogaal buuxa ugu noqdaan waayaha dadka iyo dalka.

Doorashada

Gabadh caddaankeeda aan markii hore ruux shisheeye u qaatay, balse markii ay hadashay aan ku baraarugay inay hablihii wadanka tahay ayaa weydiin u hollatay. Waxay tidhi raggii doorasho ayay isku soo wada sharaxeen, daacadnimo, aqoon, karti, hufnaan, sinaan iyo cadaalad nagu doortana waa la soo wada shir tageen. Ku darsoo mid la soo jirabay oo xilgudashadiisii hore la og yahay ma jiro. Arrinkaas sidee looga gudbayaa?

Su’aashaas in la i waydiiyo aad baan ugu faraxsanahay, ayuu jawaabta ku bilaabayaa isaga oo aad moodo inuu waydiintan raagsaday.

“Runta marka aan ka hadlo, werwer weyn baan ka qabaa doorashooyinka soo socda”, ayuu ku sii xigsiinayaa.

Arrinka cabsida igu hayaa waxa weeyi, bulshadii oo aad u sii kala qoqobantay, furfur bulsho oo imika aan dhibba loo arkin, qabyaaladdii oo dastuur wax lagu soo xullo inay noqoto la isku raacay iyo doorasho aan reernimo waxba uga hooseyn.  

Ku darsoo, waxa muuqata inaan waxba laga baran duruustii la soo maray. Dariiqii lagu jabay ayuun baa wali dabada la hayaa, saa reer waliba nin wax soo dhicin kara (hadda maaha mid bulshada wax tari kara) ayuu is hor wadaa. Waxa caado la qabatimay inoo noqotay in maalmahan oo kalena yaa reer hebel wax la qaban kara wax lagu saleeyo, muddo dheerna cataab iyo calaacal la weheshado.

Nimanka aad sheegtay ee halkudhegga isku wada midka ah boodhadhka ku soo xardhay, waxay ogyihiin in kalmadahani aanay warqadda lagu qoray dhaafsanayn, tigidhka kursiga geyn karaanna yahay: reernimo, lacag iyo balan afka baarkiisa ah. Intaasi marka ay xil kuu goyn karaan, waliba si degdeg ah, karti iyo hufnaan maxaa looga baahan yahay?

Mar walba qofaf wanaagsan waa la helayaa, waxase aan ka dardaarwerinayaa, waa inta badan iyo saansaanta muuqata. Marka xaal sidaa yahay, ruux kasta oo isbeddel barakaysan naawilayow, candhuuftaada dib u liq.

Marka aan isla soo miyirsano, een isla fahanno in dheefta u badani danta guud inoogu wada jirto ha inoo ahaato. Markaas ayaan isla faaqidaynaa bartilmaameedyo leh halbeegyo cadcad oo la cabbiri karo oo sal u noqda doorashada dadka aan maanta hadyad u siinayno inay ku galgashaan mustaqbalkeena iyo ka ubadkeena. Inta ka horaysa, haddii aad degdegsan tahay, waxaan kugula tallin lahaa inaad akhrisato buugga Dan iyo Dareen, cutubka 3aad, qormada 22aad ee cinwaankeedu yahay: “Dawlad Hoose, Dan iyo Dareen”.

Ugu danbayn, siba si ayay dhaantaaye, si kasta oo loo talo-xumaado, waa la ladan yahay inta arrin gacanta kuugu jirto, inta amnigaaga aanad shisheeye marti uga ahayn; inta, ayaandarro, lixdan sanno ka dib, xaal dhaafi la’ yahay diin god gal, god goray gal, goray god gal, god diin gal.

Halkaas ayuu kullankii dadweyne ku soo xidhmay. Saaxiibkaygii aan isku cag dari jirnay ayaan annaga oo jidka sii hayna ku idhi, su’aashii u danbaysay ee gabadhu waydiisay, rajo xummo weyn ayay abuurtaye, malaha inuu odaygu sidaa niyadda inooga dilo ma ahayn.

Kuye dee ma in been lagu gu maaweeliyo ayaad ka jeclayd; waxa uu sheegayaa, waa dhabe.

Maya, xitaa inuu waxoogaa yididiillo ah noo abuuro wuu diiday, ilayn dadka dalka joogaa wada quus maahee.

Waa runtaa, dadku waxmatarayaal ma wada aha, laakiin waa daawadayaal fiican oo sidii wax ay amuurahanni shaashaan ka dhacayaan ayay shaashada uun kala socdaan.

“Waar habeen wanaagsan, adiga ayaanba ka sokeyn duqii aan la yaabanaaye” ayaan saaxiibkay ku sii sagootiyey.


WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 

Hiil Haween

 

Marka dal muddo dagaallo ku soo jiray, waliba kuwa sokeeye, kaliya daaraha iyo kaabayaasha-dhaqaale ma burburaane, damiirka dadka ayaa qoonma. Dhibaatooyinka muuqda ee dagaaladda laga dhaxlo - qaxa, qoxootiga, gaajada, cudurka, abaarta iyo colaadda- waxa aan ka saamayn yarayn, haddii aanay kaba raad kululeyn, aafada macnawiga ah ee ku habsata bulshooyinka dagaaladu ragaadiyeen. Adduun-arragga bulshada ayaa si aan la dhaadanayn isku beddella oo waayaha dagaalku keenay ayaa saameyn taban ku yeesha. Duruufaha dagaalka ka dhashay ayaa aragtiyaha dadka si qalafsan u qaabeeya.

Waxa horteena yaalla halbeegyo waaweyn oo iftiiminaya doorsoonka diinta, dhaqanka iyo is-ahaanshaha bulsho ku yimi. Maaha ujeedada qallinka iyo qormadan inay diiwaangaliyaan ama taxaan ifafaalayaasha ina tusaya nabaadguurka ku habsaday waxyaabihihii beryaha qaar lama-taabtaanka ahaa ama birimageydada ku astaysnaa. Eraygani waa hiil haween oo ka yimi wiil hooyo dhashay, la dhashay hablo, marwo haween xaas u tahay, isaguna hablo dhalay. Waa ka dhiidhi xadgudubka aan xadka lahayn ee hablaheena la soo dersay.

Beryahan danbe si aad u ogaato tacaddiga haweenka loo geysto, gaar ahaan kufsiga xadhkaha goostay, waxa kugu filan kaliya inaad la socota wararka ka soo yeedhaya deegaamada Soomaalida. Kiisaska kufsi ee la soo warrinayo waa tirabeel, waxaanay xadgudubkan u ekaysiinayaan wax la aqbalay, ama ugu yaraan loo arko, danbi aan sidaa u sii ridnayn. Waliba intan danbe, kufsi kaliya maaha falalka soo noqnoqday ee waa kufsi iyo qudhgoyn wada socda. Dhacdooyinka argagaxa leh ee dhiilada dhawaaqoodu dhegeheena ku soo noqnoqdeen, haddii uu jiro hal shay oo ay ka wada marag kacayaani, waa in dadnimo daba yar tahay oo bahalnimo loo dhurtay.

Waxa jirta aragti dadka qaar ay qabaan; taasi oo ah in awalba tacaddiga haweenku, gaar ahaan kufsigu bulshadeena ku badnaa. Ha yeeshee waxa isbeddelay uu yahay horumarka laga sameeyey xaga wartebinta. Dadka aragtidan qabaa waxay ku doodayaan in horeba haweenka kufsi loogu gaysan jiray, laakiin maanta dunida isku soo dhawaatay iyo adeegsiga internetku, gaar ahaan warbaahinta bulshadu, ay qudhun la huursan jiray daaha ka fayday. Foolxumadan bannaanka loo soo saaray waa ta sababtay in qaylodhaan weyni beryahan danbe, si aan kala joogsi lahayn isku qabsato.

La arkee inay aragtidan wax ka jiraan, ha yeeshee xeeldheerayaashu waxay qabaan in isbeddelka ugu wayni uu ka dhashay doorsoonka ku yimi habdhaqanka bulsho ee dib u qeexay waxyaabo awal birimageydo ku suntanaa. Waa isla doorsoonka dhallangediyey waxyaabihii laga yaqyaqsoon jiray ama laga dhiidhiyi jiray, balse imika, gadood bulsho ha inoo danbeeyee, aan didmo dhallinayn.

Waxa ka sii daran, falcelinta ka dhalata kiisaska kooban ee laga garnaqo. Qaar badan oo kiisaskaas ah jujuub iyo afduub ayaa ka dhasha. Dhibbanihii ayaa abaalmarin looga dhigaa kuwo waraaboobay oo ku mamay hanaqgoynta mataanahooga nolosha. Gabadh la faraxumeeyey, la xoogay oo la qalbijabiyey marka lagu jujuubo inay marwo u noqoto isla kii waxba xeerin waayay, miyaanay abaalmarin ahayn? Miyaanay la micno ahayn xariir la huwiyey ruux ay ahayd in la la xisaabtamo oo guudka loo saaro tacabka gedaafadda uu ku kacay? Marka sidan la yeelayo, gabadhii dulmanayd ee lagu xadgudbay, sow gef abadiya oo kii hore ka gundheer looma gaysan? Miyaan loo fahmayn in gabadh la kufsadaa aanay wax weyn ahayn, mar haddiiba ruuxa falkaa ku kaca lagu qaadayo xeer-jajab aan dadnimo, diin iyo dhaqan midna la haysan.

Xeerjajabka la sheego in lagu soo afmeero kiisaska kufsiga, waxa inta badan gadhwadeen ka ah hoggaanka dhaqanka. Ilaa imikana, xeerjajabkaasi, xaaladda oo uu sii dacareeyo mooyee, xal waara ma keenin. Sidaa darteed, waxa la gaadhay goortii aan ka dhiidhiyi lahayn dhaqanxumada iyo arxandarada lagu hayo hablaheena. Waxa la joogaa amintii aan cod dheer ku wada odhan lahayn, maya ma aqbali karno boqnagoynta hablahayaga. Aan ka wada qayb qaadano in si adag loo ciqaabo mid kasta oo ku kaca kufsi iyo nooc kasta oo xadgudub jinsi ah. Aan ka korno xeerjajabka iyo caado-dhaqameedka dadnimo iyo damqashaba ka arradan.

Allow dhawr hablaheena uu abwaan Hadraawi mar hore maansadiisa Hablaha Geeska Afrika sidan xeesha dheer ugu sifeeyey:

Gabigeed adduunyada

Gobol-gobol u qaadoo

Hablo weerar geli kara

Hablo geela dhicin kara

Hablo geesi dili kara

Gobonimana hanan kara

Hablo talada goyn kara

Garta madal ka niqi kara

Garashana iskaga mida

Quruxdana ka wada gob ah

Geesteena mooyee

Gayi kale ma joogaan

 

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 

 

Lahashada Laba Fac

 

Waa subax hore oo Khamiis ah. Bishan dhammaan rabta ee sideedaad oo dhan roobkii Karanta ayaa si wacan beledka ugu hoorray. Xareedda ayaa jidka labadiisa dhinac wadhan, meel kasta oo godanna walacleynaysa. Rayska iyo cosobka is qabsaday, udugga dhirta ka soo carfaya iyo iftiinka falaadhaha cadceedu, dhaayaha dheymo iyo indho-doogsi ugu filan. Isku milanka xaaladahani, waxay deegaanka ka dhigayaan jawi soo jiidasho iyo ashqaraar leh. 

Quruxdaas dabiiciga ah saaka waxa noo dheer safar degan oo aan ku jirno. Basaska magaalooyinka u kala socdaala mid ka mid ah ayaan la soconnaa. Waqtigii na loo sheegay ee lixda subaxnimo oo buurra ah ayuu basku dhaqaaqay. Adeegyada qolyahanni bixiyaan waa kuwa la isku hallayn karo oo lagu reeyey. Beryahan danbe qaarkood waabay sii casriyeeyeen oo barnaamij telka laga la soo dego ayaan shalay safarka ku sii dalbaday. Lacagta Saad baan ku bixiyey, kursiga aan fadhiyana sidii diyaaradaha ayaan dhinaca internetka ku sii qabsaday.

Nin oday ah, caato-xigeen ah, misanna wada cirro ah oo aan is idhi badhtamihii lixdamaadka ayuu ku jiraa ayaan isku kursi xignaa. 10-kii daqiiqo ee safarka u horreeyey telefoon ayuu ku hadlayey, waliba si cod dheer oo dadka baska saaran idilkood wada maqlayeen. Ruux wax badan kala dabarraya ayuu u muuqdaa. Ha yeeshee codkiisa dheer iyo qayladiisa ayaan karahsaday. Waan hubaa in dad badan oo kalena dhibsadeen. Waxaan is idhi, muu hoos isaga hadlo, kolayba qofka dhinaca kale khadka kaga soo jiraa, hadalkiisu wuu gaadhiye. 

Codkiisa dhegta maqashaa dhibsanaysaa wuxuu i xasuusiyey nin u dhashay Koonfurta Kuuriya, oo aan mar wada shaqayn jirnay. Ninkaasi, doc kasta oo aad ka eegtaba, dabeecadaha wuu kaga duwanaa shakhsigan aan maanta wada safrayno.  Inta badan muraadkiisa oo dhan, waa Kuuriyaankee, wuxuu ku fushan jiray farriimaha gaagaaban ee qoraalka ah. Dhaqan buu u lahaa inaanu telefoonka kuba hadlin, balse uu farriin uun diro. Dadka inta uu la macaamilaa, xubnaha qoyskiisa iyo asxaabtiisa gaarka ah ha u badnaadeene, qoraal ayay wax kasta ku kala dhamaysan jireen. Yaraydaa inta aan arkay telkiisa oo soo dhacaya ama uu ku hadlayo. Kuuriyaanka iyo ninkan odayga ahi, inkasta oo ay isku gedo dhaw yihiin, laba ilbaxnimo oo aad u kala fog ayay ka soo kala jeedaan. Sida hab-dhaqankooda qofeed u kala fog yahay ayay labadooda bulshana u kala dhaqan-dhaqaale duwan yihiin. Qolo aamusan oo waxsoosaar badan iyo qolo shaqo yar oo hadal badan ayay ku kala abtirsadaan. 

Yeelkoode ninkan odayga ah een is ag fadhino waan is fahannay markii danbe. Magiciisa Barre ayuu iigu sheegay. Waa kooxihii markii ay dugsiyada sare ka baxeen waxbarasho dibadeed Jarmalkii Galbeed loogu diray. Markii uu soo noqdayna waa la meeleeyey oo dawladda ayaa shaqo gaysay, ka hor inta aanu shaqadii dawladda ka ruqsaysan bilawgii siddeetamaadkii.

“Waad naga nasiib badan tihiin oo guryaha hooyadiin idinka oo jooga ayaad ilaa jaamacad dalkiina kaga baxaysaan” ayuu leeyahay isaga oo ku halqabsanaya Warsame oo kursiga nagu xiga fadhiya, sida uu noo sheegayna sannadkii hore waxbarashada jaamacadda soo afmeeray.

“Annaga tacliintii sare dal shisheeye oo aynaan isku af, diin iyo dhaqan midnaba ahayn ayaa na loo diray” ayuu ku sii daray. 

Warsame ayaa ka dhex galay oo waydiinaya in uu deeq waxbarasho helay oo ku baxay iyo in qoyskiisu direen. In dawladdu dirtay oo Jarmalka Galbeedna deeq waxbarasho uga soo heshay ayuu Barre xaqiijinayaa. 

Warsame ayaa ka soo horjeedsanaya inay iyagu ka nasiib badan yihiin jiilkii Barre ku jiray ee waxbarashada bilaashka ah helay. Ku darsoo Barre iyo faciisii, markii ay soo guryo noqdeenna, hore ayaa laga shaqo geeyey. Taas lidkeed, Warsame kharashka waxbarashadiisa hooyadii oo suuqa meherad ku haysata ayaa dhabarka u ridatay. Tan iyo sannadkii hore, markii uu jaamacadda ka baxayna, wali waa shaqo raadis. Saakadaa uu safrayo, imtixaan ayuu boos shaqo u galayaa. Tobanaan jeer oo hore ayuu imtixaanno u fadhiistay, kan maantanna wax ka soo bixi, Rabbi uun baa og. Sidaas oo jirta, wuu niyadsan yahay. 

“U malayn maayo in cid kooxihiinaa ka nasiib wacnayd ay jirto. Faca aan ka tirsanahay, waxaan ku soo hagaagnay waqti wax walba ay iib yihiin. Biyuhu waa lacag, laydhku waa lacag, tacliintu waa iib, caafimaadkuna waa lacag. Adeeg aan bilaash ku helnaa ha inoo danbeeyee, qashinka qaadidiisa ayaan lacag ku bixinaa. Imikana waxaba soo korodhay si aad kubad u ciyaarto, inaad lacag bixiso. Sidaas oo ay tahay, cashuuri naguma baaqato” ayuu tibaaxayaa Warsame oo sawir ka bixinaya kala duwanaanshaha labada waqti. 

“Way jirtaa in wax badani maanta iib yihiin, laakiin ka waran adiga oo lacagtiina haysta adeegii aad u baahnaydna aan heli karin” ayuu ku soo celinayaa Barre. 

Isaga oo aan jawaab ka sugin Warsame ayuu iska sii wataa dooda ah in qolyaha danbe hoodo iyo nasiib dheer yihiin kooxihii ka horeeyey, tusaalayaal dhawr ah oo kalena waa bixinayaa.

In door ah markii waydiimo iyo warcelin la isku tuurtuuray ayuu ruux kale oo isku dhegaysanayay soo dhex galay oo waydiiyey Barre iyo aragtidiisa xaaladda dalka. 

Barre sida uu u qaylo dheer yahay, uma aragti gaabna.  Ugu yaraan wuxuu u muuqdaa qof fikirkiisa si xor iyo daacad ah u cabbiraya. Isaga oo ka jawaabaya waydiinta, wuxuu ku war celiyey:

“Waxaa soo baxay ifafaalayaal aan dhakafaar ka qaaday. Ma waxaad aragteen shacab intii wax bay u barteen la yidhi ay hagradeen ama hoojiyeen; aragtiyo daaqsin-raac ah iyo kooxaysi reeraysan oo meel uu ka caaggan yahay -masaajidadana ku daroo- ay yar tahay; hodanimo degdeg ah oo tacab la’aan la raadinayo; hab-dhaqanno dhawaan soo bax ah oo aan dabar iyo damqasho toona lahayn; dad aad moodid colmoog wixii la soo maray iyo tii la soo mutayba mooggan ama degdeg u ilaaway; camal la’aan wax caadi ah iska noqotay, baahi-maalna dheer tahay. Intaas oo jirta dadku waa faraxsan yihiin”  

“Oo adeer waxsanba indhahaagu miyaanay qaban” ayuu Warsame ku soo tuurayaa.

“Wax lagu diirsadaa way jiraan, laakiin inta inaga qaloocantay inaan ku toosno ayaa ka door roon inta kolayba inoo qabsoontay inaan isku dul ilawno.” Barre ayaa ku falcelinaya. 

Goor aan anigu fikir dheer ku jiro oo aan la fal-galay lahashada laba fac iyo lurka ku lammaan ayaan ku war helay rakaabkii oo baskii ka degaya; show degmaddii aan u soconay ayaa la soo gaadhay. Nabadgelyo. 

 

 

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...