Sahanka Raage


Muddo ayuu la soo shaqeeyey maamulladii xukuumadihii rayidka ahaa, ka hor inta aanu Jaamacaddii Ummadda macalin ka noqon. Raage intii danbe oo dhan waxbarashada ayuu u go’ay oo heersare ka gaadhay. Ku dhawaad saddex tobanle iyo badh ayuu macalin ka ahaa jaamacaddo kala duwan oo dalka iyo dibadda ah isaga oo dhigayay maadooyinka dhaqaalaha, qaanuunka iyo siyaasadda. Intan danbe odayga sheeko iyo fadhi wadaag ayaan nahay, caawase muxaadaro caam ah ayuu qabtay. Dad door ah ayaa ka soo qayb galay, qoddobo waaweyn oo masiiri ahna- intii waqtigu ku simay- dhayda ayuu ka caddeeyey. Gebagebadii su’aallo tiro badan ayaa la waydiiyey. 

Hoggaaminta iyo Adeegga Guud

 

Qofka hoggaamiyaha ah iyo sifaha laga rabo ayuu ugu horeynba ku bilaabayaa:

 

Qofka la odhan karo waa hoggaamiye, waa inuu leeyahay awood uu bulshada ku jihayn karo; dhinaca ay u socdaan maahee, jiho kale u dhaqaajin karo, ama hal-abuur uu hindisay ka midha dhallintiisa bulshada u adeegsan kara. Madaxweynihii hore ee Maraykan Ronald Reagan ayaa mar uu ka hadlayey hoggaaminta laga soo sheegay inuu yidhi, ‘Hogaamiyuhu maaha ka wax weyn isagu hirgaliya, balse waa ka dhaqaajiya dadka si ay wax weyn iyagu u fulliyaan’Markaa si kooban, hoggaamiyuhu waa inuu hiraal, karti iyo saameyn yeeshaa.

 

Hoggaaminta in sideedaba la barto iyo in loo dhasho ayuu su’aalay nin oday ah oo boorso wayn xambaarsanaa oo safka u horeeeya fadhiyey.  

 

“Way jiraan dad leh haybad iyo karti hoggaamineed oo dabiici ah, balse dadkaa laftooda waxa u furan inay aqoonneeyaan oo sii xoojiyaan. Qolyaha dugsiyada aaday laftooda waxa laga rabaa inay daraaseeyaan oo naaqishaan hoggaaminta dhaladka ah si wax looga baran karo” ayuu mawduuca ku sii darayaaRaage. 

 

“Hoggaamintu waa shay lagu tababarto oo la sii horumarin karo. Markaa waxna waa hibo iyo u dhalasho, waxna waa tababar iyo barasho” ayuu ku sii kabayaa. 

Gabadh ardayad ah oo qof codkar ah u muuqatay ayaa su’aalaysa shaqada xafiisyada dawladda iyo adeegyada guud - aragtidiisa- sida loo sii horumarin karo. 

 

“Xafiisyada dawladdu waa inay dhidibo adag ku taagnaadaan, xirfadyaqaanada ka hawlgalaa, waa inay siyaasadda ka madaxbanaan yihiin. Waa in dabaylaha isbeddelada ku sidkani aanay ruxi karin. Waa in la la xisaabtami karaa. Si fudud, waa inay adeegyo loo siman yahay bixiyaan, karti iyo adkaysi u leeyihiin ka jawaabida baahiyaha dadkooda goor iyo xaalad walba” 

 

Xeerarka, Garsoorka iyo Warbaahinta

 

Dastuur iyo xeerar qeexani waa tiir weyn oo aanay dawladnimo ka maarmin. Si loo helo xeerar iyo qawaaniin lagu kala socdo, imika wuxuu Raage iftiiminayaa ahmiyadda goleyaasha xeer-curinta u xilsaaran. 

 

Saddex sifo oo uu u arko ma-dhaafaan ayuu shaqadooda ku qeexayaa: sharci samayn, metelaad iyo la xisaabtanka xukuumadda. Ta u danbaysa ayuu carrabka ku xejinayaa oo wuxuu tilmaamayaa sida ay darruuri u tahay in dheelliga laga jiro hay’adaha xukuumiga ah. 

 

“Si aan naxariis lahayn waa inay xubnaha fullinta ugula xisaabtamaan ku shaqaynta sharciga iyo hirgalinta siyaasadda ay iyagu marka horeba soo curiyeen” ayuu ku sii ladhayaa.

Garsoorka oo lagu tilmaamo udub-dhexaadka deganaan iyo horukac bulsho ayuu mawduucan ku xidhiidhinayaa. Garsoorku waa halkay u dhimatayba. Ummad aan garsoor hagaagsan lahayni, mar ay noqotaba, kolay waa tii dunta. Waa halkii Harrison Ford’ e ‘Nabadgelyadu maaha colaad la’aanta, waa sugida cadaaladda’. 

Garsoorku waa inuu madaxbanaan yahay, loo siman yahay, eex ka madhnaadaa, hufnaantu astaan u tahay, cadaalad-na lagu majeertaa. Si intaasba loo helo, bahda garsoorka, waa in baahiyahooga aasaasiga ah qaranku daboolaa, aqoontoodana si joogto ah loo kobciyaa”

Warbaahinta oo lagu tilmaamo aalad saameyn togan iyo mid taban ba leh inuu dhawr eray ka yidhaa ayuu ka dalbaday ruux aan magaciisa iyo mihnadiisa midna sheegin, balse su’aasha uun toos u abbaaray. 

 

“Warbaahin haddii aan ka hadlayno, maaha tan laguma dhaamee dhaqaaqda ahe, kaalin weyn ayaa u banaan. Meelaha qaar waxaba la gaadhsiiyey in la yidhaa, “Cida warbaahinta hagta ayaa qalbiyadana hanata”. Markaa waa inay warka tebisaa, dadka wax bartaa, isla markaana madadaalisaa. Uma baahnin warbaahin iskudir iyo nacayb beerta. Uma baahnin warbaahin aan wax baadhin, wax qodqodin oo warkoogu dul-ka-xaadis iyo ku-tidhi-kuteen aanu dhaafsiineyn. Waxaan u baahanahay warbaahin aqoonaysan, mas’uul ah oo wax toosisa.

 

Kaalinta Bulshada   

Ilaa imika dawladda iyo laamaheeda uun buu ka hadlayee, gabadh kale ayaa xasuusisey shacabka laftooda kaalinta looga baahan yahay. 

 

“Shacabku waa inuu ul iyo diirkeed noqdaa, kala gartaa qoddobada lagu kala aragti duwanaan karo iyo kuwa u baahan midnimo guud. Waa inuu tacab ogol yahay, fadhiidnimo diidan yahay, xoogsi iyo wax-soo-saar ku foogan yahay”

Wuu sii wadaa oo mawaaqiifta muwaadinka laga filan karo ayuu tilmaamayaa. 

 

“Xumuumaddu marka ay dhabbo sax ah haysato, waa inay taageeraan, haddii kooxda xilka haysaa, tallo-maroorsi la timaadna, ka joog waryaa waa inay odhan karaan”

 

Tacliinta iyo Suugaanta 

Bulsho in lagu doorin karo waxbarasho iyo tacliin tayaysan ayuu si adag u rumeysan yahay. Wuxuu mar walba ku halqabsadaa hadalkii Nelson Mandela ee macnihiisu ahaa, ‘Tacliintu waa hubka ugu awood badan ee aad ku dhalin karto isbeddel bulsho’

Tacliinta uu is leeyahay way ina anfacaysaa, ayaan fursaddii aan su’aalaha u helay, faahfaahin kaga dalbaday. 

 

“Marka hore waxaan u baahanahay manhaj ama muqarrar ku sar-go’an durrufaheena iyo himillooyinkeena ummadeed” ayuu ku bilaabayaa. 

 

“Nidaam waxbarasho oo soo saara arday baraarugsan, dal-jecel, ku hubaysan aqoon heersare ah oo aan la loodin karin, qab wadaninimo xambaarsan oo horusocod ah”

 

Manhajkaas macallinkii gudbin lahaa oo tababaran in la helaa, waa kama tegto. Waliba tacliinta aasaasiga ah inaan culayska saarno weeyi, waayo iyada ayaa ah unuga iyo salka aqoonta. Wiilal iyo hablo in loo sinnaado ayaa la rabaa oo aan hablaha la duudsiyin, Soomaalidu dumarka guud ahaan way gacan-bidixeeyaane.  

 

Waan iska sii qiyaasay inaanu mawduucan ka baxayn isaga oo aan kaalinta haweenka wax ka odhan, waayo sida uu u godlado marka mawduucaa la soo hadal qaado ayaan ogahay. 

 

“Xaalkeena markaad daristo, farsamada gacanta,  sayniska iyo hal-abuurka inaan culayska saarno ayaa inoo dan ah ayaan is leeyahay” ayuu ku sii axadhayaa. 

 

Aniga oo si xiiso leh u dhegaysanaya falanqeyntan ayuu mid kale oo dadkii su’aalaha waydiiyey ahi dalbaday in markan diirada la saaro qayb wayn oo bulshada ka mid ah, eraygooguna saameyn ballaadhan leeyahay. Waa bahda suugaanleyda, qallinleyda iyo hal-abuurka.

 

Kaalin weyn ayaa uga bannaan dhisida dal iyo dad dhab u madaxbanaan, isku filan oo is neef ogol. Garaadka bulshada waa inay ku habaan suugaan iyo dhiganayaal hodan ah oo qaranimada godliya, garashada kobciya, dadkana isku soo dhaweeya. 

 

Waa inay u taagnaadaan la dirirka xumaanta iyo iftiiminta samaanta. Hadii ay gartaan xilka saaran oo aanay inta talada haysa halku-dhegyadooda ka daba jiibin, bulshada fahamkooda way korin karaan, una riixi karaan dhinaca danta qowmiga ahi jirto. Se waa haddii bulshada lafteedu soo jeedo, wax akhrido/maqlayso oo baraarugsan tahay. 

 

Diinta iyo Akhlaaqda Ganacsiga 

Culimada diinta oo aan looga maarmin dhisida ruux degan iyo is-jacayl bulsho ayay haddanna su’aalihii ku dul hakadeen.Nin oday ah oo wajigiisa raadkii sujuuddu ka muuqato ayaa su’aashan keenay. 

 

Culimada waxa laga rabaa inay u dabran yihiin quwaynta iimaanka, dhisida ruuxda, isjaclaysiinta shacabka iyo la dagaalanka xannuunadda bulshada damiirka ka asiiba. Dadka waa inay u dhibriyaan oo si dabacsan wax ugu sheegaan, maxaa yeelay Ilaahay (SWT) markii uu Muuse iyo Haaruun(CS) u dirayay Fircoon oo kibirkiisa la ogaa, waxa uu u sheegay inay si debecsan ula hadlaan, la arkee inuu waantoobo ama Alle ka cabsadee (Quraan 20:44)

 

Bulshada waa inay xaqa u caddeeyaan, jahliga kala dagaalaan, si xun wax u sheegga diinta ku hoos gabanayanna, waa in dhinac laga wada joogsadaa. 

 

Fasirka iyo fatwada diiniga ahi maaha inay noqoto jaantaa-rogan. Sidaas waa lagu jabaa. Waa in la helaa gole sare oo culimadu ku midaysan yihiin, iftiiminta arrimaha diintana looga danbeeyaa. 

 

Qof arraarta ku dheeraaday ayaa warsaday si aanu daldawladda wax walba uga sugin, ganacsiga gaarka ahi kaalinta uu qaadan karo?

Ganacsatadu kaalin door ah ayay dal walba ugu jiraan. Haddii ay dadaalaan, way noqon karaan shaqo-dhaliyaha ugu weyn iyo dhaqaajiyaha dhaqaalaha maxalliga ah. 

 

Ganacsigu edeb ayaanu ka madhnaan. Ha ku tartamaan hindise iyo hal-abuur dadka iyo deegaanka wax uu u soo kordhiyo ma ogiye, aan waxba u dhimin. Ta dawlad ahina, ha abuurto jawigii ganacsigaasi ku hanaqaadi lahaa, maalgalin shisheeyana soo dhiirrin lahaa. 

 

Hufnaanta

 

Wax is daba marintu in ay tahay cudur qarannimada hagaasiya aad buu ula socdaa. Markaa inuu hadalkiisan astaan ugu sameeyo ayuu rabaa. 

 

“In la cidhibtiro wax is daba marinta, mudadda fog waa in laga dhigtaa himillo la higsado, imikase, waqtiga la joogo waa in dagaal adag lagu qaado. Iimaanka iyo wadaniyaddu waa laba hub oo awood badan ee ha la adeegsado oo ha la xoojiyo. 

 

Dadka danta guud loo diray, qaranku wuu bixin karaaye, wax ay ku noolaan karaan ha u qoro. Intaa dabadeed, ruuxii xadgudba ee nafta laylyi kari waaya, ciqaab adag ha la marsiiyo. 

 

Ruux kale ayaa ka dhex galay oo mar kale xasuusiyey in qaddiyadahan waaweyn ee uu ka hadlay ay inta badan yihiin kuwo caalami ah, dalal badanna isku dayayaan hirgalintooda -itaal meel uu dhigaba. Qoddobadaas waxa ka mid ah isla xisaabtanka, dejinta xeerar anfac leh, daahfurnaanta, suuqa xorta ah iyo warbaahin xilkas ah. Wuxuu waydiiyey sida arrimahanni dal walba looga hirgalin karo, haddii aan la tixgalin kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale ee shucuubta dunida iyo waayaha dal walba gaar ahaan ugu xeeran. 

 

Caagad biyo ah oo miiska u saarnayd ayuu laba jeer kabbaday, hore u soo tiirsaday oo yara xabeeb tirtay. 

 

Kala duwanaansho deegaanka, dhaqanka iyo dhaqaalaha salka ku hayaa waa jiraa, in la tixgaliyana waa mudan yahay, ha yeeshee sirtu waxay ku jirtaa sida labada la isku qabadsiinayo. Tusaale, dad badan oo aanay dani ugu jirin sarraynta sharciga iyo isla xisaabtanka ayaa ku deedafeeya arrimahan inay yihiin kuwo soo galayti ah balse aanay ahayn carro-dhalad, halka qaar kalena, u adeegsadaan uun inay ku awr-kacsadaan. Markaa arrintu ka maarmi mayso daacadnimo, feejignaan iyo fiiro-dheeri. 

 

Isku duubni

 

Gabadh ilaa mar hore gacangta taagaysay ayaa hadda fursad heshay. Waxay waydiisay sida lagu abuuri karo bulsho isku duuban oo dhan u wada jeeda iyo waxa caqabad ku noqon kara helitaanka bulsho sifahaas leh. Sidii wax aan la fahmin waydiinteeda ayay eraybixin ay soo ergisatay iftiimin ka dayday. ‘Waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo Inclusive Society’ ayaan ka wadaa ayay ku sii xoojisay. 

 

Bulsho isku duuban oo isku dareen ah waa la abuuri karaa haddii la helo tiirarka udub-dhexaadka u ah isku duubnida bulshada - sinaan iyo cadaalad. Waxa sal u ah u sinaanta adeegyada bulshada, si siman ugu xaqsoorka inta la wada leeyahay oo ay ku jirto awood iyo khayraad qaybsigu. Markaas ayay bulshadu noqonaysaa isku dareen ul iyo diirkeed ah. Waxbaa wada damqaya, ka wada farxinaya ama ka wada nixinaya. Haddii aan si kale u dhigno, bulsho isku uursan oo dareen-wadaag ah ayaa dhalanaysa. 

 

Waxa caqabad ku noqda hunguri weynida, awood-maroorsiga  iyo xaqsoor la’aanta. Tabashada daba dheeraata ee xal waara laga gaadhi waayo ayaa isku bedesha gadood bulsho. Taasi waxay dhalisaa, markay ugu sahlantay, kala xigsasho iyo kala dareen, markay ugu daran tahayna, nacayb iyo gacan-ka-hadal. 

 

Hirgalin

 

Wax wada wacan ayaad sheegtaye, sidii lagu hirgalin lahaanna oday noogu yara dar, ayuu su’aalay ruux u muuqday inuu si wacan ula dhacay dood-wadaagta Raage iyo dadweynaha. 

“Isku darka intaa aan soo sheegay oo dhammi waa aasaaska dal iyo dawlad meel sare higsanaya, is neef ogol, isku filan oo ilbax ah. 

 

Intaba waa la heli karaa haddii qaad, wahsi iyo qabyaalada laga baxo oo loo koro tacab, is aaminaad, isku tanaasul  iyo wax wada qabsi. Ta ka wada muhiimsani waxa weeyi, hoggaan inta aan sheegnay aaminsan ayaa isbeddel dhab ah dhallin kara” 

 

“Allow eex ma tiraabine, aqoon ha igu cadaabin” ayuu kaga baxayaa Raage, ka dib marka uu u mahadnaqo ka soo qaybgalayaasha.

Nin aan wada soconay ayaan aragtidiisa dood-wadaaga caawa waydiiyey. 

 

‘Kuye imika ahaan uma badna in doodahani saameyn badan yeeshaan. Yeelkeede, haddii lagu celceliyo, la arkee inay raadeeyaan ajendayaasha siyaasad-dajinta iyo go’aan qaadashada mustaqbalka”

 

Aniga oo ogaalkaygii wax ku kordheen, mar kale dareemaymarinka dheer ee ina sugaya, ha yeeshee aan hubin kaalinta shakhsi ahaan iga ga aaddan - aan ka ahayn imika ahaan -inaan sahanka Raage akhristaha la wadaago, ayaan madashiimacaasalaameeyey!

 

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

abdirahman.adan@gmail.com

 


Ha Tilmaamine Tus

 Wuu yaraa, da’diisu laba sanno iyo badh ayay ahayd. Aabihii oo gaadhiga shidaal ku shubanaya oo kaalin shidaal taagan ayuu la socdaa. Ruux dumar ah, ilma yar xambaarsan, darranyo ka muuqato oo dawarsanaysa ayaa daaqada soo joogsatay. Jeebka ayuu gacanta geliyey oo wax buu u dhiibay. 

Kii yaraa ha yaabo oo ha waydiiyo aabihii sababta uu islaanta lacagta u siinayo? Isaguna ha u sharaxo inay miskiin tahay, baahan tahay, waliba inay bilaa hoy tahay na u badan tahay. Sidaa darteed, in la taageero, markaan karnaa, ay waajib inagu tahay. 

Mudo ka dib, isaga iyo yarkiisii oo maalin kale wada socda, gaadhina wada saaran, ruux kale oo miskiin ahi gaadhiga ha soo ag joogsado, waxna ha waydiisto. Maalintan danbe wuu jeeb madhnaaye ha ku gaabsado ‘Rabbi ha inoo gargaaro’. Wiikii yaraa oo malaha maanka ku haya sheekadii maalinta hore, wacdi ha u mariyo aabihii:

‘Aabo waa miskiin baahan ee wax sii. Ma uu soo quraacan, qado ama casho ma haysto,  meel uu seexdo ma leh’

Isaga oo ku faraxsan dareenka naxariista leh ee wiilkiisa ayuu u mahadnaqay, u duceeyey, in jeebkiisu markan madhan yahayna u sheegay. 

Ku dhawaad 10 sanno ka dib, maanta oo wiilku 13 jir ku dhow yahay ayuu aabihii rawaxaaddii dugsiga ka soo qaaday. Wiilkii waxa uu u dhiibay aabihii lacag u dhiganta nus doolar, waxana uu ka codsaday inuu sadaqad ugu bixiyo. Garo oo waa waxoogaa uu ka soo jaray nusa-saacahiisa. Markii aabihii sii waraystay ee sii qodqoday, wuxuu ogaaday in wiilku aalaaba sidaa yeelo oo sadaqaddu qorshaha ugu jirto, isla markaana uu wax u qoondeeyo, haba yaraatee. Hooyadii ayuu inta badan u dhiibaa oo masaakiinta siisa.

“Maalintii aad miskiinta wax siinaysay ee aad ii sheegtay inay baahan tahay, inaganna waajib inagu tahay inaan caawino, haddii aan karno, ayaan go’aansaday inaan la baxo wixii aan awoodo, marka ay suurtagal tahay’ 

Odayga maskaxdiisa ayaa xusuus dheer dib ugu celisay. Isagu aabihii markii uu god galay wuu yaraa. Hooyaddii ayaa uga sheekaysay sida aabihii isaga oo yar mas’uuliyado waaweyn  u saari jiray. Isaga laftiisu, sawir dhamaystiran ayaanu sheekadan ka haysane, wax badan wuu ka sii xusuustaa. Biilka reerka isaga oo yar ayuu tukaan macmiil ahaa ka soo qaadi jiray. Lacagta kirada guriga isaga ayaa u geyn jiray islaanta guriga ijaarka reerku ugu jiro iska leh. Qoysas ehelka ahaa oo dan yar ahaanna, mar walba lacag, raashin fudud iyo dhar ayuu aabihii ugu dhiibi jiray. Odayaal ay xaajiga asxaab ahaayeeni, way la yaabi jireen oo waxay odhan jireen wiilku lacagta wuu ku baabi’i ee ha barin. Aabihiina wuxuu ku doodi jiray in ilmuhu, inta uu yar yahay, mas’uuliyad in lagu barbaariyaa ay habboon tahay. 

Aabahan maantu wuxuu is waydiinayaa in xidhiidh ka dhaxayn karo dhacdadaas iyo dhaqankaas aabihii ku soo ababiyey  iyo tan uu wiilkiisa kala kulmay. Su'aali kama taagna in mar walba waalidku saamayn badan carruurtiisa ku leeyahay. In waxani aanay iska dhacayn ee kolay uu jiro dhufsane-yare ay wadaagaan ayuu u badinayaa.


WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 


Xusuusqorkayga Xajka


Maalinta 1aad:
Salaasa 23/08/2016 ama 20/11/1437
Subax Salaasa ah, 4- tii subaxnimo ayaan tagnay goob lagu balansanaa oo ah faras-magaalaha Borama. Ujeedaddu waa inaan safar gaaban oo dhinaca dhulka ah ku tagno Hargeysa, ka dibna ka raacno diyaarad na gaysa dhulka barakaysan. Ha yeeshee, dadka qaar habsaamay dartood, waxaan baxnay 4:45 subaxnimo; salaaddii subax waxaan ku tukanay Dilla.

Hargeysa markii aanu gaadhnay, waxa na loo sheegay inaan soo daahnay, suurtagal na aanay ahayn in aan diyaaradda gaadhno. Dood iyo muran ka dib, waxa la isla qaatay in huteel na la dajiyo. Subaxa xiga, 4-ta subaxnimo ayaan idanka Eebe madaarka tagi doonaa. حج مبرور وسعي مشكور وعمل متقبل إن شاء الله

Maalinta 2aad;

Arbaca 24/08/2016  ama 21/11/1437

Saaka 4:00 subaxnimo ayaan dhinaca madaarka u jihaysanay. 7:30 ayaan ka soo duulnay garroonka diyaaradaha ee Hargeysa. Jeddah ayaan ku soconaa.

Safarka Jeddah-Madina ee dhinaca dhulku (415 KM) mid dheer ayuu ahaa, saacaddo badana waa qaatay. Waase mahad Alle mar haddii aan nabad tagnay

Maalinta 3aad
Khamiis 25/08/2016 ama 22/11/1437
Maalinta waxaan ku bilawnay cibaado. Afartii subaxnimo ayaan kacnay oo aan u jihaysanay masaajidkii Nebiga  CSW, halkaasi oo aan salaaddii Subax ku soo tukanay. Ka dib, waxaan soo siyaaranay qabrigii Nebiga CSW, xabaalihii Abuubakar & Cumar RC; iyo sidoo kale xabbaalaha Baqiic.

Maalinta 4aad
Jimce 26/08/2016 ama 23/11/1437

Maanta waxaan soo siyaaranay masjidka Quba oo aan laba rakcadood oo sunne ah ku tukanay, kuna Alla-barinay. Ka dib waxaan soo booqanay shuhadaa'u Uxud iyo bartii uu dagaalka Uxud ka dhacay. Salaadda Jimce ayaan jamac kula tukanay Masjid Nebewiga. Saq badhki Rawdada ayaan tagay oo ku soo Alle tuugay.

Maalinta 5aad,
Sabti 27/08/2016 ama 24/11/1437

Acmaashii Madiina waan dhamaynay, maanta waa Masjidu Nebiga oo aan ku noqnoqono, salaadaha shanta ah na aan jamaca la tukano.

Maalinta 6aad,
Axad 28/08/2016 ama 25/11/1437

Maanta waxaan ka soo baxnay Madiina, anaga oo ka soo ixraamanay miiqaatka. Waa masaafo dhan 450 KM. Shantii galabnimo ayaan Maka soo galnay. Cishaa'igii ayaan ku tukannay Xaramka, ka dibna acmaashii cumradda ayaan bilawnay. Inta Eebe na waafajiyey waxa ka mid ahaa dawaafka, ku tukashada Maqaamu Ibraahiim, sacyiga inta u dhaxaysa Safa & Marwa iyo timo xiirasho. Intaa ka dib, waan xalaalownay, wixii naga reebanaa intii aan ixraamnayn ayaa noo xalaaloobay.

Maalinta 7aad,
Isniin 29/08/216 ama 26/11/2016

Maanta xaramka ayaan salaadaha intooda badan ku tukanay. Dawaaf kale oo sunne ahna waan samaynay.

Maalinta 8aad,
Salaasa 30/08/2016 ama 27/11/2016

Maanta Jeddah ayaan safar gaaban ku tagnay.

Maalinta 9aad,
Arbaca 31/08/2016 ama 28/11/1437

Jeddah hawlihii aan u tagnay waa noo soo dhamaadeen.

Maka ayaan ku noqonaynaa idanka Eebe.

Maalinta 10aad,
Khamiis 01/09/2016 ama 29/11/1437

Waxaan maanta isku marnay isbitaaladda Malik Abdallah, Al-Nour iyo Malik Faysal.

Maalinta 11aad,
Jimce 02/09/2016 ama 30/11/1437
Salaaddii Jimce ayaan maanta Xaramka ku tukannay, waa mahad Alle. Waa la isku yimid, Carrafo oo kale ayaad moodaysay maanta;

Maalinta 12aad,
Sabti 03/09/2016 ama 01/12/1437
Cibaadadda oo ay ugu horeyso ku tukushada xaramka iyo jamac  ku oogidda salaadaha oo dhan ayaan ku mashquulsanahay

Maalinta 13aad,
Axad 04/09/2016 ama 02/12/1437

Xaramka ayaan galabta dhex lugeeyey si aan u arko hawsha baaxadda leh iyo ballaadhinta ku socota masaajidka. Mawjadaha dadka ah ee kacbadda dawaafayay, wax ku qaadasho ugu filan dhaayaha ku dheygaga;

Maalinta 14aad,
Isniin 05/09/2016 ama 03/12/1437

Maalmihii barakaysnaa ayaan ku jirnaa ee Eebe tilmaamay, kuna dhaartay habeenada tobanka ah. Cibaado iyo samafal waalid ayuu maalmahan camalku u badan yahay.

Maalinta 15aad,
Salaasa 06/09/2016 ama 04/12/1437

Maalinta inteedii badnayd waxaan ku qaadanay isbitaalka Boqor Cabdallah oo aan booqanay.

Maalinta 16aad,
Arbaca 07/09/2016 ama 05/12/1437
Cibaadadda oo ay ugu horeyso ku tukushada xaramka iyo jamac  ku oogidda salaadaha oo dhan ayaan ku mashquulsanahay

Maalinta 17aad,
Khamiis 08/09/2016 ama 06/12/1437
Qorshihii lagu guuri lahaa helidiisa iyo fahankiisa ayaa waqti naga qaatay. Markii danbe si wacan ayay hawluhu noogu dhamaadeen;

Maalinta 18aad,
Jimce 09/09/2016 ama 07/12/1437
Jimcaha maanta ayaan ixraamanay una ambabaxnay Mina. Dadku bari ayay guuri doonaan, laakiin maadaama Soomaalidu aanay tas-hilaad fiican helin, inaan maanta sii guurno ayaa dan la mooday.

Maalinta 19aad,
Sabti 10/09/2016 ama 08/12/1437
Xajku maanta ayuu si rasmi ah u bilaabmay, Mina ayaan degannahay, sida sharcigu yahayna shan salaadood ayaan ku tukanay; waa Yawmu Tarwiya;

Maalinta 20aad,
Axad 11/09/2016 ama 09/12/1437
Maanta waa maalin weyn, waa wuquufkii Carafo. In badan ayaan jidhidhicoon jiray markaan maqlo wuquufka “Carafo” & “Duyuufu Raxmaan”, mahad Alle, maanta ka mid baan ahay. Carafo ayaan ku Alle barinay. Allow noo aqbal oo naga ajiib. Nasiib wanaag goor hore oo fiidnimo ah ayaan ku soo noqonay halkii aan deganayn ee Mina.

Maalinta 21aad,
Isniin 12/09/2016 ama 10/12/1437
Waa maalin kale oo weyn; waa Yowmul Xajul Akbar. Martida Ilaahay maanta Jamaraatka ayay tuureen. Masaafo dhawr kilomitir ah, iyo jawi kulul, ayay malaayiin xujay ahi lugeeyeen. Si fiican oo deganaan leh ayuu Alle noogu suurtagaliyey. Maalmaha soo socdana waan wadi doonaa jamaraatka. Sidoo kale, xoolihii hadyiga ahaa ayaa la gawracay, timahana waan iska xiirnay, ka dib na waan xalaalownay oo dharkii ixraamka waan iska bixinay; Dawaaful Ifaadaha iyo sacyiga ku lammaan dib ayaan u dhiganay;

Maalinta 22aad,
Salaasa 13/09/2016 ama 11/12/1437
Waa maalinta 1aad ee maalmaha loo yaqaano Ayaamul Tashriiq. Dhagaxii ayaan soo tuuranay. Qofkiiba 21 dhagax ayuu tuurayaa. Jamaraatku waxoogaa masaafo ah ayay noo jiraan; waa in 5-6 kilomotir la lugeeyaa. Jawigu aad buu u kulul yahay, waa ilaa 45°C

Maalinta 23aad,
Arbaca 14/09/2016 ama 12//12/1437
Dhagaxtuurashadii ayaa socota wali. Qofka degdegaya, maanta waxa u bannaan, inuu Maka ku noqdo. Shardigu waxa weeyi inaanu gabalku Mina ugu dhicin.

Maalinta 24aad,
Khamiis 15/09/2016 ama 13/12/1437
Waa maalintii ugu danbaysay dhagaxtuurka. Guud ahaan 70 dhagax ayuu tuurtaa ruuxa aan guurin shalay ee aan degdegin, sida sharcigu jidaynayo. Intaasi ka dib waxa aan u soo anbabaxnay Maka. Caawa inaan Dawaaful Ifaada iyo Sacyigii samaynmo ayay ahayd, laakiin dad badan ayaa daalay. Habeen danbe ayaan dawaafi doonaa idanka Eebe.

Maalinta 25aad,
Jimce 16/09/2016 ama 14/12/1437
Maanta waxan samaynay dawaaful ifaada oo aan dib u dhiganay iyo sacyigii. Maqribkii markii aan xaramka ku tukanay, roob xoog leh ayaa na helay. Meel banaan ayaan ku tukanay, ka dibna roob dhibco waaweyn ayaa na bilaabay. Intii aan salaadda ku jirnay ayuu da’ayay, markii aan ka baxnayna wuu qaaday. Dawaafka, wareegii toddobaad, mawjad dad oo xoog leh ayaa kooxdayadii kala halaysay. Saacaddo badan ayay qaadatay inaan is helno.

Maalinta 26aad,
Sabti 17/09/2016 ama 15/12/1437
Dawaaful widaac ayaan maanta samaynay, maadaama qorshuhu yahay in caawa aan Jeddah u dhoofno.

Waxa na loo sheegay in Duhurka wixii ka danbeeya aan diyaar noqono balse ilaa 11- kii habeennimo Jeddah uma aanu jihaysan. Markii aan baxnayna, darawalka basku dariiqa aqoon ma u lahayn, taasina waxay kaliftay inaan halawno. Safarku saacaddo badan oo dheeri ah ayuu qaatay. Tacab iyo jactad dheer ka dib, waa kan oo 9:30 arroornimo ee subixii xigay ayaan Hargeysa u duulnay.

Allow xajkayaga taqabal; Allow ka yeel kii la aqbalo, danbigayagana kii la dhaafo, camalkayagana kii la mahadiyo.

Dhacdooyinka i soo jiitay:

In kasta oo dhacdooyinka Xajku aanay kala dhicin, haddana intani dareen-taabad gooni ah ayay lahaayeen:
• Soo dhawaynta Reer Madiina & reer Maka. Badnaydaa inta raashin shaaricyada la soo wadhay ee lagu sooray martida Ilaahay. Ma yarayn inta jeer ee aan arkay qoys timir ama cunto kale gaadhi ku sida oo xujayda u qaybinaya, qaar biyo qabow siinaya, qaar biyo ku rushaynaya si ay u qaboojiyaan;
• Masaajidka Nebiga SCW ee Madiina qabawgiisa iyo quruxdiisa, naftu ayaamo - soor la'aan- waa ku cibaadaysan kartaa;
• Xaramka inkasta oo dhisme laxaad lihi ka socday, haddana mawjadaha dadka ah ee mar walba qolo ay dawaafaysay, wax lagu cibro qaato ayay ahayd;
• Wuquufka Carafaad, waa tiir weyn oo xajku aanu la'aantii ansaxayn. Maalintaas waxa khalqi gegida Carafo iskugu yimaad, iyaga oo maryo cad-cad xidhan, kala midab ah, kala afaf duwan, balse aan kala sarayn, faqiir & taajir kala lahayn, madax iyo mijo kala lahayn, aadamaha ugu filan dersi xusuusiya maalinta la is xisaabin doono;
• Dhagax tuurka ama jamaraadku waa hawl wayn oo maalmo is xiga la qabto, taariikh ahaanna dhimasho badan keeni jirtay, balse beryahan danbe waa la nidaamiyey oo si wacan ayay ku dhamaataa. Inta ummad jamaraadka tuuraysa ee ku kulmaysa goobaha cibaadadan loo asteeyey kama fajac yara isku soo baxa gegida Carafo;
• Waxan maankayga ka baxayn Xaaji reer Aasiya u muuq ekaa oo aabihii baaskiil ku riixayay, aabihiina, xaaskiisa (xaajiga gaadhiga riixaya hooyaddii) uu dhabta ku hayo. Aan si kale u idhaahdee, waa xaaji labadiisii waalid oo jilcay oo dhabta isku haya xajisiinaya. Dareen fog ayay dhacdadaasi i galisay. Waxay ii sii iftiimisay gedgeddoonka waayaha dunida. Shalay baaskiil riixaha maanta ayaa dhallaan dhabta lagu hayo ahaa, maantanna isaga ayaa waalidkiisii oo yar-yaraaday, jilcay oo gaboobey, tiir tiirarka shanta ah ee diinta ka gudaya;
• Boorsaddii aan sahayda dhanba ku siday (5 qof ayaan nahay qoys ahaan) ayaan kaga kacay maqaaxi aan ka quraacanay. Nasiib wanaag ninkii lahaa maqaaxida oo muwaadin Suuriyanna ahaa ayaa alaabtii oo sidii u xidhan keenay huteelkii aan deganayn.
• Dadaalka dawladda Sucuudigu ee fududeynta xajka iyo soo dhawaynta “Martida Ilaahay” waa mid isha aragtaa ay ku diirsanayso;
• Dhinaca xujaajta, dabcan waa jiraan dad aan fahansanayn, ilawsan ama is ilawsiinaya xurmadda xajka, dhaqankooda maalmaha xajkuna aanu ka gedisnayn kii ay suuqyadda la joogeen xajka ka hor;


Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Beerta Nasashada

Meel xafiis ah ayaan shaqo u fadhinaa. Shir muhiim ayaan ku jirnaa, waliba kulanku meel xasaasi ah ayuu marayaa. Iyada oo doodu kala qalantay oo xubno door ahi nuxurkii hadalka u daadageen, ayaa mudalab maqaaxi naga ag dhaw ka shaqeeyaa daf soo odhanayaa. Shaah iyo biyo dadka martida ah loo dalbay ayuu noo wadaa. Isaga oo aan sugin halka hadalku marayo, cod dheer ha ku yidhaahdo:

 “Shaah mise sharaab, maxaad cabaysaan?”

Hadalkii iyo dooddii shirku hakad ha ku yimaado oo ha kala joogsado. Markii cabbitaankii waxoogaa la qaybiyey ee dadkii madasha fadhiyey la wada gaadhsiiyey, wiilkii aan u mahadnaqo, dooddiinna aan dib u furo.

Aniga oo isku dayaya inaan kulanka majarihiisii ku soo celiyo, waxoogaanna uu hadalkii isku duba-dhacay, mas’uul ka qaybgalayaasha shirka ahi, cod dheer ha ku dalbado biyo aan qaboobayn. “Biyahan qabaw iga beddel oo kuwa caadi ah i sii”, ha sii raaciyo. Dhawr xubnood oo kalena waa kuwa ku daba dayday. Haddanna mudane kale oo dhinaca bidix iga fadhiyey, shaahii waa ka celiyey ee bun dalbaday. Ka dib hakad kale oo aan loo baahnayn waa kuwa horseeday.

Waxa culays gaar ah nagu haya, dadkan intooda badan marka horeba si dirqi iyo fool adag ayaan iskugu keennay. Inay mar dhaw cararraanna way u badan tahay. Aniga oo ka mahadnaqaya ka soo qaybgalka iyo waqtiga ay soo hurreen ba, si asluubaysan mar kale waaniga ku dadaalay inaan hadalkii dib u furo. Qaddar ha qaadato in dib la iskula wada jaanqaadaa, balse ku guulaysannay. Iyada oo ajandihiina lagu soo noqday, la is dhegaysanayo, aragti wadaagna meesha ka muuqdo, wiilkii cabitaanka keenay oo intii hore aamusnaan weelka ku urursanayay, telefoonkiisa gacanta (oo aad u cod dheeraa) ha la soo waco oo miyuusik dananayaa hoolkii ha qabsado. Isaga oo aan isba lurin, waa ka qabtay ee qosol iyo hadaltiro iska bilawday. Degdeg aan ugu sheego inuu telka aamusiiyo ama la baxo. Wiilkii oo sii baxaya, xoghayntii shirka isna kiisii ha soo dhaco. Sidii marinku ahaa, isagana degdeg ula macaamilay.

Kulankii noo soo dhamaa, si fiicanna la isku afgaray. Waxaanse is waydiiyey, sida ay ku dhacday, dadkeenan kii maqaaxida ka shaqaynayay iyo kii waxbartay ee xafiiska joogay ba isku dhaqanka yihiin. Markaa saan xusuustay in tacliinta, tababarka iyo xirfaduhu ba kaabe yihiin, ha yeeshee asalka aan duugoobayni uu yahay dunta qofka.

Inta aanan guriga aadin waxa ii qorshaysan inaan sii maro, soo indha-indheeyo oo waxoogaa ku yara nasto beer dadweyne (Public Park) oo dhawaan magaalada laga hirgaliyey. Waa tii u horeysay ee nooceeda ah ee magaalada laga sameeyo. Aan idhaahdo dalka oo dhan ba laga furo. Maanta ka hor dhul dan guud ah oo sidan oo kale loo xafido oo waliba loo daryeelo, dalka kuma arag. Dan guud oo sidan loo naqshadeeyey, loogana faa’iideeyey, aad baan uga mabsuuday. Beero ama barxado sidan oo kale bulshadu ku nasato, ku haasawdo oo ku laydhsato, Allaa i lehe, baahi weyn baa loo qabay.

Intii aan meesha joogay, waxaan isha ku dhuftay dad badan oo nuuc walba leh oo goobta u nasasho iyo tamashle yimid. Qoysas wada socda, saaxiibo iyo rafiiq koox koox u fadhiya, hebello kali kali buug ugu akhrisanaya meel nadiif ah oo indho qabatin leh, intaba dhaayaha saaray. Waxaan arkayay shaqaale nadaafadda xil weyn iska saarayay, balse la xarbiyaya basrinta qashinka dadku sida xilkasnimo darada ah meel walba ugu dhaafayeen. Waxay gurayeen bacaha, caagadaha iyo hadhaagga cuntada ee aan loo meel dayin, ha yeeshee meel walba laga ga tagay.

Goobahan oo kale dadka waaweyn waa u garoon jimicsi oo way ku lugeeyaan, caruurta waa u goob ciyaareed, dad kale oo badannna waa u goob dalxiis, indhaha ay ugu raaxeeyaan, maskaxdana ku dajiyaan. Bilicda magaalooyinka qayb wayn bay ka yihiin; nolosha qoysaskana kaalin door ah ayay ka qaataan. Waxay kaalin mudnaanteeda leh ka ciyaaraan isku dheelitirka bii’ada, yaraynta dikhawga iyo qaboojinta jawiga. Heerka saxada ama tayada nolosha ee dadka magaalada ayay kobciyaan oo kor u qaadaan. Aniga oo jawigaas macaan ku jira, kana fikiraya sidii beertan nasashada oo kale loo badin lahaa, magaalooyinka kalena looga yagleeli lahaa, ayaan dhawaqa aleenkayga ku soo toosay. Sariirtii ayaan ka soo booday ilayn waqtigii salaadda Subax ayaa foodda inagu soo hayee. Show ninkaygani hurdada ayaan ku shaqaynayey!

 WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail:abdirahman.adan@gmail.com



How Covid-19 is changing our lives



Covid-19 has nearly turned the life upside down. According to the latest global tally, it so far affected 202 territories with over 5 million infections. The global death toll stands slightly over 350 thousand at the time of writing this piece.  

The pandemic substantially affected our way of living. As curfew, lock downs, social distancing and stay at home measures take effect, inter-personal relations take strange turns; and dramatic increase of domestic abuses are reported in many societies. 

Changing Modalities 

The pandemic has changed the way we work, learn and integrate for the past two and half months. Many people have been (and still) telecommuting and working from home. Schools, chiefly international private ones, adopted a virtual learning system. Consequently, students continue learning through virtual means, using different learning/ teaching platforms. 

The new modality has its hiccups as enabling environment is in question. The requisite amenities- space and resources- such as machines, stable and reliable power and internet connections are not so widespread, if not in short supply.  Sometimes, power outage disrupts zoom or team meetings and one have to shift to alternative power to ensure business continuity. In addition, this approach serves only for students coming from relatively well-off backgrounds and hence it doesn’t work for education for all goals. 

For learners in private schools to continue education, virtually, parents had to incur additional expenses by buying tablets, smartphones or any other devices to continue online learning. Sadly, this is coming at a time, when many parents were affected by the economic shocks caused by Covid-19 and the associated restrictions. Although many schools considering the current situation, reviewed fee structures and as such provided reasonable discounts, the matter couldn’t be settled amicably in some leaning centers and the issue had to be referred to courts.  

Economic Effect

The pandemic hit hard in developing countries, where unemployment is rampant and informal economy provides most of the available job opportunities. Mindful of this, governments largely refrained from imposing lock downs but rather put in place preventive measures in a bid to contain the virus. 

Yet, all economic sectors are affected as planes are grounded, travel severely restricted to transporting essential commodities, restaurants and eateries closed, (partial) curfew imposed and consequently; local productivity adversely impacted; and all learning-teaching institutions closed. The governments offered tax relief to ease the suffering of the local people. Tax exemption is provided to essential food items and all medical supplies are imported without tax levy. In some instances, economic stimulant package is introduced in countries like Kenya, where the government announced a $ 503 million package to save local economy. Eight crucial sectors will reportedly benefit from this injection. These include, among other key sectors, infrastructure development, health and education development, manufacturing and agriculture; and tourism. 

Spiritual impact 

The pandemic has not only affected our physical, societal and fiscal aspects of life, but equally impacted on our spiritual and faith-related rituals. Worth to mention is the just ended Muslim holy month of Ramadan, where over 1.6 billion Muslims around the globe had to fast quietly amid unprecedented odd circumstances.  

Ramadan is the month of reflection, caring and sharing. It is considered a spiritual retreat.  It is the month when poor and less fortunate people are taken care of, alms giving is encouraged to orphans, homeless and all those eligible and vulnerable community members. From dawn to dusk, every day, Muslims observing the holy month, strictly abstain from all food and drink, among other things. Until immemorial time, the day-long fasting is accomplished in a ritualistic, often communal feasting at evenings. Oddly, this wasn’t the case in this Ramadan and faithful Muslims had to break fasting lonely and quietly. 

Furthermore, Ramadan nights are famous with colorful rituals; reading holy Quran and with special prayers known as Taraweeh, all geared to connecting the mind and soul to the creator. Taraweeh, a congregation meant to perform collectively in every night of Ramadan was suspended this year as mosques remained closed. People had to perform this special prayer at home with family members. 

Eid el Fitr marks the end of month-long fasting and families celebrate together, hoping their good deeds in Ramadan are accepted. However, this year people had to observe odd Eid celebrations. This meant, performing Eid prayers at home and largely avoiding visits of loved ones and any meaningful community interactions. Due to Covid-19 containment guidelines, Eid celebrations, without the usual feasting and fanfare, is essentially reduced to a family affair. No event in the recent history has affected us and shaped our life so profoundly and pervasively. 

Back home, the situation is different as people continued to perform Ramadan rituals collectively and celebrated Eid communally. The virus is spreading aggressively but local people ironically pay little attention to health advisories. Many continued to defy government-imposed guidelines whilst some even think the thing is hoax and therefore, business continues as usual. Though the government had imposed measures to curb the spread of Covid-19, it is really having tough time in winning against the disease. Needless to mention the tenuous local capacity to respond to such calamities. 

As time elapses, and local people better learn the devastating impact of Covid-19, a communal behavior change- a required crucial element for this unusual fight- coupled with better response capabilities- must happen, if we want to effectively deal with the situation. 

Abdirahman Adan Mohamoud

abdirahman.adan@gmail.com

 

  

 

 

 


Marti Sharfan


Sannadkii ba hal mar ayay ina soo booqataa. Markaas ay ina soo martido, dad badani kuma baraarugsanna qiimaha ay leedahay. Dadka qaar, camalkoogu gaabis ba ha iska ahaadee, intii Rabbi uga qadaro, waa kala hadhaan. Qolyo kalena, waxa ay tamar hayaan oo dhan ayay dul dhigaan si ay uga faa’iidaystaan. Sida suubanuhu NNKHA inoo sheegay, bilawga bishaba mid dhawaaqa ayaa farriin dira. Wuxuu ku dhawaaqaa:

“Qof kii khayr ku foognaayow, dardar gali, kii xumaan ku jirawna, gaabso”

Naxariista Eebe, si Muslimiintu uga badbaadaan dabinka shaydaanka, waxa la inoo sheegay in shayaadiinta kuwooda madaxa adag la xidho. Bishaarada ka sii wayni waa in albaabada Jannada oo dhan la balaqo, kuwa Naarta na la xidho.

Maalmaheegu waa wada fursado iyo barako. Bilawgeedu waa naxariis; badhtankeedu waa danbi dhaaf; dhamaadkeeduna waa cadaabta oo la iska xoreeyo. Intaas waxa sii dheer, habeenka tobanka danbe lagu dhex qariyey. Habeenka camal aadamuhu qabto oo la aqbalaa, ka ajar badan yahay, shaqo kun bilood la qabto. Waa habeenka wayn ee Laylatul Qadriga. Waa habeenka qofka Alle waafajiyo cibaadadiisu u dhigmayso mid joogto loo soo qabanayay muddo 83 sanno iyo dheeraad ah. Ku darsoo soonka bishani waa camalka kaliya ee aadamuhu qabto, balse abaalmarintiisa, Ilaaha wayn ee waaxidka ahi isku kali yeelay. Waxa sidaa gaar loogu yeelay waa nooca cibaadada oo ah sir addoomaha iyo Allahood u dhexaysa.

Dadka aakhiradooda u meel dayaa, Quraan akhris iyo cibaadada oo la xoojiyo ayay  jadwalkooda meel sare kaga asteeyaan. Haa jadwalkooga maalinlaha ah ayay ka dhigaan mid u diyaarsan ka faa’iidaysiga bishan barakada badan. Waxay og yihiin in waqtigu ka mid yahay haynta ugu weyn ee aadamuhu hayo, gaar ahaan marka uu nabdoon yahay, caafimaad na hayo.

Masaakiinta ayay si gaar ah uga war hayaan, saa waxay fahmeen in gaajada soonka ku lammaani darsi ugu filan tahay diifta dadka danyarta ahi si joogto ah daris ula yihiin. Agoonta, socotada iyo qaraabada baahan ayay xil gaar ah iska saaraan.

Waxay fahmeen in bishu tahay bishii la is daryeelayay ee waxa la hayo- si walba oo uu u kooban yahay- wuxuun laga bixinayay. Waxay garteen in bishu tahay ta la rabo in la isa saamaxo oo aan uurka wax ba la iskugu qaban. Sow maaha bisha si ku celcelis ah loogu ducaysto, “Allow adigu ka wax cafiya ayaad tahay, jecel saamaxaadda ee na cafi”

In kaliya quudka la iska dhaafo, misana xumaanta la iska dhex dabbaasho inaan lagu kasban raali ahaanshaha Eebe ayay og yihiin. Hadalka xun, ka dani aanay ugu jirin iyo ficilka aan anfac lahayn ayay ka hadhaan. Xitaa marka kuwa dhacdhaca badani ku xadgudbaan, nafta way dabraan, waana kuwa ku gaabsada “Waan soomanahay”.

Ugu danbayn, mar horeba garatay baan filayaaye, bisha aan ka hadlaynaa waa bisha barakaysan ee Soonqaad. Inta bisha si dhab ah uga faa’iidaysata Allah ha inaga yeelo. Rabbi ha inaga dhigo, kuwa tobanka habeen ee u danbeeya guntiga dhiisha iskaga dhiga ee cibaadada ku mitida; kuwa qoysaskooda khayrka ku dhiirrigaliya ee ku dadaala tacab-wadareed liibaan raadis ah; kuwa u heellan la kulanka habeenka weyn ee aan kor kaga soo hadalnay, iyaga oo ku rajo weyn in soonkooda la aqbo, laguna daro liiska inta caddaabta laga xoreeyo.

Guul ka weyn miyaa jirta in nolosha danbe ee abadiga ah caddaabta lagaa fogeeyo.  Allow nagu dar liiska addoomahaaga naarta laga badbaadiyey. Aamiin

Saaxiibbo kala hadhi waayey


Cabdiqaadiir Cige Axmed iyo Mustafe Cabdi Xasan, Allah ha u naxariistee intii ay ifkan joogeen, waxay ahaayeen saaxiibo aad iyo aad iskugu dhaw. Labadooduba waxay ka mid ahaayeen arday marxalidihii kala duwanaa ee waxbarashadu na kulmisay. Cabdiqaadir dugsiga hoose ayaa mar na la wada qoray, sannado badan ka dibna tacliintii jaamacadeed ayaan mar kale ku kulanay. Mustafe isaga tacliinta sare ayaan iskugu nimid. Laba shakhsi oo la higsado, waxbarashadana loo daba fadhiisto ayay ahaayeen.

Dalka Pakistan ayuu Mustafe u diga rogtay si uu waxbarashada halkaas uga sii wato. Muddo kooban ka dib, labadooduba waxay u dhoofeen dalka UK oo ay deganaansho ka heleen. Waqtigaas oo dhan saaxiibo aad iskugu xidhan, wada tashada oo is xaal og bay ahaayeen. Shaqo wadaag ayay noqdeen oo waxay labaduba shaqo ka bilaabeen isla hal shirkad: Royal Mail.

Dabeecad ahaan, laba qof oo wax badan wadaaga ayay ahaayeen. Niman af gaaban, ixtiraam badan, Allah ka cabsi leh, dad jecel oo carrabkooga iyo addinkoogaba laga nabad galay ayay ahaayeen. Akhyaar wax badan og, adduun-arragoodu sarreeyo oo inta aad la fadhido aad wax ka korodhsanayso ayay ahaayeen.

Dadka faraha badan ee ay si uun iskugu xidhnaayeen ayaan ka mid ahaa. Si gaar ah ayaan labadaba sheeko wadaag iska war haya, guud ahaan u ahayn.

Ugu danbayn, qadarka Eebe, labadooduba waxay ku geeriyoodeen UK. Saddex sanno ayay na ifka ku kala dambeeyeen. Saddexdaas sanno ee uu Mustafe ka danbeeyey Cabdiqaadir, mar kasta oo aan wada hadalno, Cabdiqaadir afka kama uu dhigi jirin. Sheekadii la soo hadal qaadaba, Cabdiqaadir waa ku jiray. Labaduba waxay ku hoydeen cimriga aadamuhu ugu tamarta badan yahay.

Ilaahay ha u naxariisto oo ha u nuuro xabaasha saaxiibadan sina ku kala hadhi waayey. Sidii ay ifka jaal ugu ahaayeen, Allow ka yeel kuwo jannadanna jaar ku noqda. Inagana Rabbi ha inooga daba naxariisto. Aamiin.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 

Ramadaantii Wacnayd!



Ma xusuusto goortii u horaysay ee aan taraawiix tukado, waxaanse si wacan u xusuusnahay aniga oo ku daba safan oo dhegaysanaya codkii macaanaa ee Allah ha u naxariistee Sh. Cabdiraxmaan Aw Gamboole, imaamkii hore ee masaajidka Harawo, Borama. Aayadihii uu inta badan nagu tujin jiray iyo luuqdii cajaa’ibka ahayd ee uu Quraanka u akhriyi jiray intuba wali maskaxdayda kama bixin. Sidoo kale, Sh. Cali Waasac Rabbi ha u raxmadee oo ducooyin badan ku akhriya cod aad u macaan ayaan si fiican u xusuustaa. Sida aan codkiisii macaanaa u xusuus nahay ayaan wali u xafidsanahay in badan oo ka mid ah dikrigii iyo ducooyinkii uu masaajidka ka akhriyi jiray Ramadaan walba.Marka laga yimaado, ducooyinkii sida jamaca ah loo wada akhriyi jiray Ramadaanta, salaad walba ka dib, waxaan aad u jeclaa oo aan ka heli jiray kuwa xilliga taraawiixda la akhriyi jiray.

Great Mosque of Mecca | Overview, Description, & Facts | Britannica

Aw Cabdi Muxumed, Allah ha u naxariistee, imaamkii masjid Jaamaca ayaan isna codkiisii uu ku akhriyi jiray siiqad Soomaaliga aad u xusuusnahay. In badan baan anaga oo is eryanayna, duhur iyo casar inta u dhexaysa, Aw Cabdi iyo odayaal masaajidka dhinaca dhulka yara dhigay jiif u diidnaye, Allow naga dhaaf.

Ma ilaawi karo, codkii qalbiga dhaqaajinayay ee Sh. Cabdilaahi Muuse Diiriye, Rabbi ha u raxmadee. Quraan ruug codkiisa iyo qaabka uu Quraanka u akhriyaaa xiiso gaar ah lahaayeen buu ahaa.

Habeenka aad u baahato taraawiix fudud iyo cod imaam oo qalbiga taabanaya, Geed-Goble iyo Sh. Maxamuud Caateeye iyo dikrigii ka danbeeyey ayaa kugu soo baxayay.

Hilmaami maayo dhallinyartii danbe ee Quraan xaafidka ahayd ee in badan dhagahayaga ugu raaxeeyey Quraan akhriska iyo noolaynta cibaadada habeenimo Ramadaano badan, ku dhawaad saddexdii tobanle ee aan ka soo gudubnay. Mid mid uma tirin karnee Ilaahay dhammaantood ha ka abaalmariyo.

Dhawrkii sanno ee la soo dhaafay, masaajidka Parkland ee magaalada tan Nayroobi ayaan ku taxnaa oo cibaadada habeenkii ku dhamaysanayay. Bad-xidhankan maanta ka hor, safarada shaqo oo dhan baan iska joojin jiray, bisha baraykaysan ee Ramadaan, mid mid laga maarmi waayo ma ahine. Ma ahi dadka fasax gala Ramadaanta, xitaa tobanka u danbeeya ee Ramadaan. Waxaan ogaaday shaqada iyo cibaadada habeenkii marka aad isla fahanto, in badan inay is dhamaystiraan ee aanay caqabad isku ahayn.

Sanadkan oo shantii toddobaad ee u danbeeyey aanan salaad masaajid ku tukan, jimcana ku dhahoo, ayay Ramadaan soo gashay. Ramadaan bilaa taraawiix ahi waa ugub iyo lama-arag aan wali taariikhda casriga ah soo marin. Waa hakad ku yimid dhaqan suuban iyo cibaado qarniyaal soo taxnayd.


Carruurta oo aan arrintan ka sheekaysanay ayaa iyaguna walaac xoog leh ka muujiyey. Iyagu waliba mid bay ina dheer yihiin. Rabbi kama dhigee, waa ciid la’aanta ku soo fool leh!
Inkasta oo aan mawlaca gurigayga siraatay oo aniga iyo qoyskuba aan halkan ku oogno cibaadada, haddanna waxay naftu si hillow badani ku jirto ugu harraad qabtaa barakadii jamaca iyo jamaacada. Waxay ruuxdu u oomman tahay, naftuna boholyoow u qabtaa masaajidadii habeenada Ramadaan sida gaarka ah loo soo cammiri jiray. Waxaan tebayaa cibaadadii habeenka ee taraawiixdu u mudnayd ee sida wadarta ah loo oogayay.

Ilaaha wayn ayaan ka rajaynayaa inuu inagu simo sanadka danbe, anagoo nabad ah iyo Ramadaan oo  mar kale marti la jecel yahay ah, iyo dunidoo ka soo kabatay lama-aragtan maanta taagan, si aan mar kale u kala sahay qaadano, idanka Eebe.

W/Q: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
Email: abdirahman.adan@gmail.com



Karoona iyo Aw Diiriye kala war la’aa

“Mid maaha, waa nin qaraabogoys ah. Ma jecla in tolku soo booqdaan ama gurigiisa soo siyaartaan. Waa mid dhaqankii ka tagay oo meel cidlo ah isku xidhay, ciddii soo siyaaratana aan albaabka ka furayn”
Oday Siyaad iyo xaaskiisa Saxarla waa laba qof oo muddo dheer dalkii soo moogannaa. Siyaad isagu cimrigiisa marka saddex meelood loo qaybiyo, laba qaybood in u dhiganta ayuu dalka ka maqnaa. Saxarla na, kala badh cumrigeeda waxay ku qaadatay meelo aan dhulkeeda hooyo ahayn. Ha yeeshee, beryihii u danbeeyey waxay ganacsi xaammi ah ku haysteen Lusaka, Zambia. 
Gurigooda waa lagu soo hirtaa oo  ehel iyo asxaabba waa la cammiran yahay. Goor xun socodka iyo martida habaqlaha ahi waa tiro beel. Waa labo qof oo soo dhawayn fiican, sidaas darteed mar walba marti inaad gurrigooda ugu tagtaa, waa wax iska caadi ah.
Iyada oo xaal sidaas yahay, ayaa dunidii waxa aafeeyey sadhadan ili-ma-qabatayga ah ee Corona Virus. Waxa qasab noqotay in qoysku hab-nololeedkoodii waxa ka beddelaan;
“Saxarlaay waad aragtaa dunidii waxa ka dhacaya, halkan aan joognana, waa lagu sheegaye, maxaa talo ah?” ayuu waydiinayaa xaaskiisa isaga oo raba bal inuu aragtideeda ogaado.
“Dee Xaaji waxaan yeelaynaa, cidi inoo soo gali mayso, innaguna waa inaan tilmaamaha caafimaadka raacnaa” ayay ku jawaab celinaysaa.
Waa sidii uu rabaye, amar buu soo saaray ah in aan cid danbe guriga dibada uga iman karin. Macalin carruurta guriga ugu iman jiray, wuu fasaxay inta wax hagaagayaan. Dirawal gaadhiga u wadi jiray, fasax bil ah ayuu marka hore galiyey, balse haddii loo baahdo in la soo wici doono ayuu u sheegay. In mishaharkiisii aanay waxba iska beddeli dooninna waa ugu bishaareeyey. Macalin Quraankii carruurta fiidka u iman jirayna, waxa la isla qaatay inuu WhatsApp-ka ciyaalka Quraanka kaga dhegaysto.
Saxarla iyadna gabadh guriga ka shaqaynaysay waxay kula heshiisay inaanay Sabtida bixin, sidii awal dhaqanku ahaan jirtay. Waxay u soo jeedisay inay maalmihii wiiga dhammaadkiisa ee ay bixi jirtay, guriga ku negaato, taas beddelkeedna labadaas cisho loo lacageeyo. 
Intaas waxa dheer, guriga oo la keenay aalkolada gacmaha la iskaga dhaqo, faraxalka oo la joogteeyo iyo fool-saabka oo la gashado mar kasta oo banaanka wax darruuri ah loogu baxayo. 
Qoyskii reer Siyaad oo sidaas isku xakameeyey oo guriga isku koobay, ayuu telefoon soo dhacayaa. Waa nin oday ah oo tolka guud ah, dhawaanna magaaladda yimid. Magaaladda kala xidhantay darteed ayuu reerkan soo haybsaday oo waxa uu rabaa in isku meel wax lagu wada qabo.
Halloow, waar Siyaad nabad ma tihiin?
Waar waan fiicnahaye waa kuma?
Waar waa ninkii Ina Aw Diiriye oo beryahaaba beledka kula joogaye.
Aw Diiriye waa kee, ma wadaadkii imaamka ahaa?
Haahey, iga wale xusuustaadu waa wacan tahay.
Waar Aw Diiriye nin la ilaawi karo maahee, bal ii waran oo goorma ayaad timid?
Beryahaaba waan joogay kow dhe. Inaad magaalada degan tahayna waa la ii sheegay. Imikana sida aad la socoto dunidii waa tan soo oodatay ee noqotay inaan qolka huteelka laga bixi karin. Markaa waxaan is lahaa aad dhinac iskugu guurtaan oo is weheshataan inta wax hagaagayaan. Yacnii inaan xaggiina imaado ayaan rabay. 
Siyaad fikirkiisu waxa weeyi mar haddii xannuun cusubi yimid, waa in hab-nololeedkii hore wax laga beddelo. Wuxuu diyaar u yahay inuu qaato ga’aanno culus, walow dadka qaar ay si kale u arki karaan. Badqabka guud baa se isaga u muhiim ah. 
Siyaad guryahan uu degan yahay, ugu yaraan labaatan qoys ayaa isku xayndaab ku wada nool. Soomaali ka soo guurtay Maraykan iyo Yurub ayay u badan yihiin; qowmiyado kalena waa la degan yihiin. Dabcan qolo waliba gurigooda u gaarka ah ayay ku nool yihiin, laakin wali wax badan oo la wadaago ayaa jira. Goobta baabuurta la dhigto, barxadda iyo wiishashka, intaba waa la wada adeegsadaa. 
Xaafaddan ay ku nool yihiin, guddi ka talisa ayaa soo rogtay amar ah inaan la is booqan karin. Sidaa darteed, ganjeel walba waxa lagu dhajiyey warqad sheegaysa inaan la ogolayn dadka meelo kale ka imanaya ee soo booqanaya xaafaddan guud ahaan. Ganjeelada Siyaad gurigooda laga galo, ogaysiiskani kuma yaallo. Ma aqaan in laga gooyey iyo in amarkani aanu wali soo gaadhin ba. 
Si kastaba ha ahaatee, Siyaad iyo Saxarla hore ayay go’aan uga gaadheen marti hadda ka dib u imanaysa. 
“Adeer sow ma ogid in dunidii aafo ka dhacday oo aan la isku socon karin oo qof walba ku qasban yahay inuu meeshiisa joogo” ayuu Siyaad su’aalayaa isaga oo raba inuu dhacsiiyo xaaladda soo korodhay. 
“Waan ogahay oo waa isla sababta aan kuula soo hadlay ee aan u rabo in tol ahaan aynu is dugsano oo meel wax ku wada qabno” ayuu Ina Aw Diiriye ku jawaab celinayaa. 
“Adeer maalintii la is dugsanayay maaha, bilcaksi in la kala durko ayay badbaadadu ku jirtaa. Mida kale, maalintii tolka meel la iskugu keenayay maanta maaha, ruux walba tiisa ayuu halkiisa kula tacaalayaa.”
Wuu sii wadaa oo waxa uu faahfaahinayaa in qofka xannuunku ku dhaco cidlo lagu go’doominayo. 
“Ruuxa xannuunku asiibo, Ilaahay ha ina hareer mariyee, tol baad sheegtaye, ka ugu dhaw loo ogolaan maayo inuu ashahaadada u qabto; markaa adeer, faraxalo oo huteelkaaga joog”
Wuxuu haddana Siyaad ku fikiray in malaha ninku jeeb madhan yahay oo aanu huteelka iska bixin karin, laakiin aanu sheegan karin. 
“Kharashka huteelkana waan kaa caawin, wixii suurtagal ahe, halkaaga joog oo aan telka iskaga war hayno” ayuu ku sii darayaa. 
Ina Aw Diiriye hayntu kuma yara oo wuu awoodaa inuu iska bixiyo biilka huteelka; banaankana si joogto ah ayaa wax looga soo diraa oo waa laga war hayaa. Wuxuuse ku fikirayaa, in dhibtan timid intii isku tol ahi meel wax ku wada qabto. Isaga oo qaadan la’ odaygan ka hor taagan gurigiisa, ayuu ka sii gubanayaa erayga ah kharashka huteelkana waan kaa taageeri. Nin toldiid ah oo rixingoys ah ayuu u qaadanayaa. 
“Adeer anigu lacag kuma waydiisane, waxaan is lahaa intiina isku raaska ahi aad is weheshataan oo aad meel wax ku wada qabtaane, maca salaama haddii aad sidaa u fikirayso”.
Telefoonkii ayuu jaray isaga oo la yaaban ninkan xidhxidhan, rag aqoonka aan ahayn ee misana qaraabo-goyska ah. 
Siyaad na wali telkii ayuu dhegta ku sii hayaa isaga oo isna dhiniciisa la fajacsan fahanka ninkan iyo ogaal la’aanta haysa!

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...